Farmaajo oo darjada ciidan ka dhigay Cabdalla, kana saarey NISA

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa aadarajooyinkii ciidan ka dhigay Jeneraal Cabdalla Cabdalla Maxamed, kana saarey Hay'adda Nabad Sugida Qaranka ee NISA.

Cabdalla ayaa laga xayuubiyay darajadii uu lahaa oo ahayd Sarreeye Guuto, kadib soojeedin ka timid Agaasimaha Guud ee Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka, Xuseen Cismaan Xuseen, oo horey shaqada uga joojiyay.

Sarkaalkan eryidiisa iyo darajo ka qaadista lagu sameeyay ayaa timid kadib markii dhawaan Wareysi uu siiyay VOA-da daboolka uga qaadey hab-dhaqanka Taliska NISA, oo uu sheegay inay ka buuxaan xubno katirsan Al-Shabaab, oo xogaha u gudbiya.

Waxa uu Cabdalla tusaale usoo qaatey weerarkii bil kahor lagu jabsaday Xafiiskiisa ku yaalla xarunta NISA, ee Habar-Khadiija, oo uu sheegay in xubanaha Al-Shabaab ee kamidka ah Hay'addan kala baxeen dukumintiyo xasaasi ah, oo khatar gelin kara amniga.

Cabdalla ayaa kasoo mid ahaa NISA mudo 6 sano ah, wuxuuna tilmaamay in shaqa ka joojintiisa aan lagu soo wargelin, oo uu ka arkay baraha bulshada iyo warbaahinta, taasina ay meel ka dhac ku tahay nidaamka dowladnimada dalka Soomaaliya.

Farmaajo ayaa u magacaabey Fahad Yaasiin, agaasiimihii Villa Somalia, inuu noqday Taliye ku xigeenka NISA, isagoo u gacan-geliyay awoodda hay'adda, oo hogaamiye-yaasha maamul goboleedyada ay ku eedeeyeen in la siyaasadeeyay shaqadeeda.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Shacabka Mandheera oo Dalbaday in Laga Saaro Ciidamada Jubaland Kadib Weerarkii Dadka Lagu Laayay

Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Kenya, Rigathi Gachagua, ayaa sidoo kale ku baaqay in ciidamada Jubbaland laga saaro dhulka Kenya.

  • Soomaliya

    12-05-2026

  • 06:07AM

Mucaaradka oo Ku Dhawaaqay Bannaanbax Kale oo Ka Dhacaya Muqdisho 16-ka May

Madasha Samatabixinta ayaa sheegtay in tallaabooyinkaasi ay saameeyeen nolol maalmeedka magaalada Muqdisho.

  • Soomaliya

    12-05-2026

  • 05:19AM