Farmaajo oo dhaqaale ku bixinaya booqashada Mareykanka

Image

WASHINGTON, USA – Madaxweynaha muddo xileedkiisa dastuuriga ah uu dhamaadey Maxamed Cabdullaahi Maxamed [Farmaajo] ayaa mar kale wuxuu dhaqaale badan ku bixinayaa in uu booqdo Mareykanka, sida lagu daabacay bogga afka dheer ee lagu magacaabo Foreignlobby.com.

Sida ku xusan warbixinta, Farmaajo oo wajahaya cadaadis culus oo kaga imaanaya caalamka iyo maamulka Joe Biden kuna saabsan is-mari-waaga doorashooyinka waqtigooda lasoo dhaafay ayaa doonaya in uu hortago baarlamaanka Mareykanka iyo in uu Aqalka Cad kula kulmo Biden.

Shirkadda uu maamulka Farmaajo kireystay si ay ugala shaqeyso safarkaas ayaa, sida ku cad warbixinta, waxaa lagu magacaabaa LFA Holdings, waxaana fadhigeedu yahay magaaladda New Jersey.

Safaaradda Soomaaliya ee Mareykanka ayaa qandaraaska la gashay shirkaddan 22-ka bishii Maarso ee sanadkan, sida ay muujinayaan dukumiintiyo lala wadaagay Waaxda Cadaaladda Mareykanka, taasoo uu ku saxiixan yahay danjiraha Muqdisho u fadhiya Washingtn, Cali Shariif.

LFA Holdings ayaa waxaa lagu waramay in shaqadan ay ku qabaneyso aduun lacageed dhan $150,000 [boqol iyo kon kun oo doolarka Mareykanka] taasoo muuqaneyso in ay tahay mid badan.

Shaqooyinka ay qabaneyso shirkadan waxaa kamid ah in sidoo kale ay Farmaajo ka caawiso la kulanka xubno ka tirsan baarlamaanka Mareykanka iyo hay'addo daraasaad [think tanks].

"Baaxadda shaqo ee LFA waa mid cayiman balse kaliya laguma xadidin oo keliya taageerada booqashada Congress-ka Mareykanka," ayuu agaasimaha guud ee LFA, Luis Aleman oo ku saxiixnaa warqada heshiiska uu la galay danjire Cali Shariif. "LFA sidoo kale waxay gacan ka geysan doontaa xoojinta xiriirka shirkadaha gaarka loo leeyahay iyo maalgashiga shisheeye ee tooska ah".

Safaaradda Soomaaliya ee Washington iyo shirkadda LFA ayaan wali wax jawaab ah ka bixin dalabyo ku saabsanaa in ay ka hadlaan ama ay tafaasiil ka bixiyaan qandaraaska ay kala saxiixdeen.

"Warqadda heshiiska waxaa ku taariikheysan March 22, waana saddex maalmood kadib markii xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka Antony Blinken uu soo saarey war-saxaafadeed uu ugubaaqayo in doorashooyinka Soomaaliya ay si deg-deg ah ku dhacaan," ayay warbixintu raacisay.

Doorashooyinka madaxtinimada Soomaaliya ayaa qorshuhu ahaa in ay qabsoomaan dhamaadka 2020 iyo horaanta 2021, hasa ahaatee, waxaa dib-u-dhacay is-mari-waa taagan ku dhowaad sagaalkii bilood ee lasoo dhaafay walina ma muuqato rajo xal lagugaari karo.

Inta la og-yahay waa markii labaad uu Farmaajo isku dayo in uu dhaqaale ku bixiyo booqasho rasmi ah oo uu ku tago dalka Mareykanka halkaasoo uu ku noolaa kahor inta uusan madaxwayne noqon Febraayo, 2017. Intii Donald Trump joogay Aqalka Cad ayuu sidaan kale kireystay shirkad maxaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xamse Cabdi oo sheegay in Soomaaliya ay ku jirto “socdaal isbeddel”

Kulan uu la qaatay Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha Kenya ayuu ka sheegay hadalkan.

  • Soomaliya

    08-05-2024

  • 05:45PM

Dib u eegista qorshaha howlgelinta Nidaamka Aqoonsiga oo bilaabatay

Kulanka oo hal maalin ah ayaa lagu wadaa in lagu falanqeeyo Dib u eegista qorshaha howlgelinta Nidaamka Aqoonsiga (SNID).

  • Soomaliya

    08-05-2024

  • 08:35AM