Farmaajo oo eryay xeer-ilaaliyaha Soomaaliya magacaabayna mid cusub

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Farmaajo ayaa u magacaabay Suleymaan Maxamed Maxamuud xilka Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Soomaaliya kadib markii uu eryay Axmed Cali Daahir.

Magacaabistan ayaa ku timid soojeedintii Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, Baashe Yuusuf Axmed, sidda lagu sheegay wareegtadda oo nuqul kamid ah uu helay mareega Garowe Online.

Sidda laga soo xigtay digreetada, soo jeedinta ayaa ahayd, "baahida loo qabo in la dardargeliyo dib u habeynta garsoorka iyo xaqiijinta hannaan cadaaladeed oo hufan oo ka dhaqangala dalka".

Farmaajo ayaa faray Xukuumadda, una jeediyay Hay'adaha Sharci-dejinta in ay soo dhameystiraan Golaha Adeegga Garsoorka, lana waafajiyo Dastuurka qabyadda ah iyo Xeerarka khuseeya.

"...si loo dhammeystiro dib u habeynta garsoorka iyo hannaanka cadaaladeed ee dalka," ayaa lagu yiri nuqul kamid ah wareegtadda oo ku taariikheysan 25-ka November 2019.

Madaxweynaha, sidda lagu sheegay qoraalka, ayaa kula dardaarmay Xeer Ilaaliyaha cusub in uu waajibaadkiisa u guto si waafaqsan dastuurka iyo shuruucda kale ee dalka u yaalla.

War-saxaafadeedka kasoo baxay xafiiska hogaamiyaha waddanka ayaa intaas ku daray: "...uuna shacabka Soomaaliyeed ugu adeego si hufan oo caddaaladi ku dheehantahay".

Axmed Cali Daahir ayaa wuxuu uga mahad-celiyay shaqadii uu u soo qabtay dalka iyo dadaalkii uu muujiyey muddadii uu ahaa Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka.

Xilka ka qaadista Daahir ayaa imaaneysa xili dalka ay dacwad u taala Maxkamadda Cadaaladda Aduunka oo ku saabsan goob hodan ku ah kheyraad oo ay isku haystaan Soomaaliya iyo Kenya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM