Farmaajo oo gaarey Addis Ababa, lana kulmaya Abiy Ahmed

Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxwaynaha Soomaaliya ayaa gaarey magaaladda Addis Ababa ee caasimada dalka Itoobiya, halkaasi oo uu u dhoofay aroornimada maanta oo Talaado ah.

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waxaa garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyay Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed. Laba hogaamiya ayaa kulamo yeelanaya saacadaha soo aadan.

Kulamadooda ayaa la filayaa in diiradda lagu saaro xaaladihii ugu dambeeyay ee gobolka iyo danaha labada shacab, sida ku cad qoraalo kasoo baxay labada Madaxtooyo.

Wararka qaar ayaa sheegaya in qodobada ay isla soo qaadi doonan labada masuul ay qayb ka tahay khilaafka soo kala dhex-galay Soomaaliya iyo Kenya oo salka ku haya muran dhinaca badda ah.

"Kulamadaan waxay daba socdaa wadahadalo ay horey u yeesheen dalalka kale ee gobolka Geeska Afrika," ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay xafiiska wasiirka koowaad ee xukuumada Addis Ababa.

Socdaalka Farmaajo oo noqonaya midkii 6aad oo muddo todobaad ah uu kaga baxo dalka ayaa imaanaya iyada oo horaantii todobaadkaan ay iskaashi 3-xagale sameysteen Ethiopia, Kenya iyo Eritrea.

Dad badan ayaa shaki wayn ka muujinaya dhaqdhaqaaqa uu Abiy ka wado gobolka, kaasi oo dal walba uu heshiis gaar ah kula galayo, isla markaana wadajir ah uu isugu keenayo.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Khilaafka Siyaasadda Soomaaliya oo Hareeyay Shirka Kampala, Museveni oo Ku Baaqay Wada-hadal Loo Dhan Yahay

Dhanka kale, Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Jabuuti ayaa ka aragti duwanaaday soo jeedintan.

  • Soomaliya

    31-07-2026

  • 12:06PM

Taliyihii Hore ee Asluubta Soomaaliya oo Hanjabaad u Diray Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed

Mahad Shub ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada iyo diyaaradaha la geeyay Baydhabo aysan ka hor istaagi doonin qorshayaashiisa.

  • Soomaliya

    30-07-2026

  • 05:10PM