Farmaajo oo gaarey Uganda, kana qeybgalaya shir berri furmaya

Image
Image
Image
Image

KAMPALA, Uganda - Madaxwaynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa caawa gaarey magaaladda Kampala ee xarunta dalka Uganda.

Wafdiga uu hogaaminayo Farmaajo ayaa waxaa garoonka kusoo dhaweeyay masuuliyiin ka tirsan xukuumadda wadankaasi.

Farmaajo ayaa ka qaybgeli doona "shirka Afrika hadda" kaasoo maalinta berri oo Talaado ah furmi doona.

Shirka oo labo maalin soconaya ayaa looga hadlayaa isu soo dhawaanshaha dalalka qaaradda ee kobcinta dhaqaalaha, isdhexgalka, shaqo abuurka dhallinyarada iyo nabadda.

Hogaamiyaasha shirka kasoo muuqan doona waxaa kamid ah; Madaxweynayaasha dalalka Uganda iyo Koonfur Afrika, Yoweri Museveni iyo Cyril Ramaphosa.

Sidoo kale madaxwayne ku xigeenadda Kenya, William Ruto, iyo Tanzania, Marwo Saamiya Xasan Suluhu ayaa kulanka lagu martiqaaday oo khudbad ka jeedin doona.

Wasiirro ka socda dalalka Masar iyo Marooko, wakiillo ka socda Qaramada Midoobay, Bangiyada Qaaradda, ganacsato iyo ergo kor u dhaafaysa kun qof ayaa si lamid ah shirka lagu casuumay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda oo Ciidamo diyaarado ku geysay Gedo Iyadoo Xiisad Ka Taagan Tahay Balad Xaawo

Isu-soo-baxa ciidamada labada dhinac ayaa sare u qaaday cabsi laga qabo in dagaallo kale oo hor leh ay ka qarxaan magaalada.

  • Soomaliya

    25-07-2025

  • 08:59AM

Al-Shabaab oo Weerarro Ku Qaaday Saldhigyo Militari oo Ku Dhow Muqdisho

Dowladda Federaalka iyo howlgalka Midowga Afrika ee ayaan ilaa iyo hadda si rasmi ah uga hadlin weerarradan Jimcaha Maanta ah dhacay.

  • Soomaliya

    25-07-2025

  • 08:37AM