Farmaajo oo hambalyadda Ciidda si gaar ah ugu diray Ciidamadda

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweynaha dalka, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wuxuu hambalyo ku aadan munaasabadda Ciidda Carafo uu u diray guud ahaan Soomaalida iyo Muslimiinta.

"ALLE ayaa mahad iska leh in aan wada qeybsano farxada iyo hambalyadda Ciidda bareysan ee Ciiddul Axdaa oo astaan u ah isu naxariisashada, ilaalinta danta guud iyo midnimada Muslimiinta," ayuu yiri.

Farmaajo oo kasoo muuqday muuqaal ay baahisay Villa Soomaaliya ayaa sidoo kale wuxuu xujeyda Soomaaliyeed ALLE uga tuugay in uu ka aqbalo acmaashooda Xajka.

"Maalmaha barakeysan ee bisha Carrafo, waa maalmo ku weyn Diinteen iyo Dhaqankeena. Waa maalmo kumanaan Muslimiin ah u jaheystaan sanad kasta gudashada waajibaadka Xajka," ayuu raaciyey.

Ciidamada difaaca qaranka ee jidada hore ee dagaalka kula jira Al-Shabaab ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in uu si gaar ah ula wadaagayo hambalyadda iyo farxadda dabaaldega Ciidda Carafo.

"Waxaan u dabaaldeynaa Ciiddan iyadda oo geesiyaasheena ciidanka qalabka sida ay ka xorreynayaan maleyshiyaadka argagixisadda ah degaano horleh oo cadowgaasi ay ku dhibaayeen dadkeena," ayuu xusay.

Madaxweynaha oo hadalkiisa sii wata ayaa wuxuu intaasi ku daray: "Kana soo maleegaan [degaanadaasi] dhagarta iyo gumaadka ay ku hayaan shacabka Soomaaliyeed".

Ugu dambeyntii, isaga oo ALLE ka baryaya, Farmaajo ayaa wuxuu Umadda Soomaaliyeed u rajeeyay Ciid nabad ah oo wanaagsan, iyo sanadkan kiisa xiga oo nabad, horumar iyo barwaaqo ah.

MUUQAALKA FARMAAJO

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM