Farmaajo oo shaaciyay hadal burinaya war kasoo baxay Villa Somalia

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxwayne Farmaajo ayaa ka dhawaajiyay hadal burinaya war horey uga kasoo baxay madaxtooyadda dowladda oo ku saabsan safarkiisii ugu dambeeyay ee Burundi.

Isaga oo ka hadlayay munaasabada sanad guuradii 59aad ee ciidamada xooga ayuu kusoo qaaday socdaalkiisii Bujumbura Bishii Febraayo ee sanadkaan, halkaasi oo ku kulmay dhigiisa dalkaasi.

Sidda ku cad war-murtiyeed ay soo saareen Farmaajo iyo Pierre Nkurunziza, waxayn isku raaceen la dhaqan-geliyo qorshaha kala guurka AMISOM oo dhigaya in ciidamada shisheeye ay dalka ka baxaan.

Hasayeeshee, Farmaajo ayaa buriyay warkaasi, isaga oo shaaciyay in ahmiyadiisa ugu wayn ee booqashadaasi ay ahayd in uu Nkurunziza ku qanciyo in ciidamadiisa aysan ka bixin qaybaha ay wadanka ka joogaan.

Ciidamada Burundi oo kamida kuwa ugu tirada badan howlgalka midowga Afrika ayaa haatan kaga sugan dalka gobolada Shabeellooyinka, inkasta oo ay qaybtooda ugu badan ay joogaan Shabeellaha Dhexe.

"Aniga waxaan ugu tegay in aan ka codsado in ciidamadiisa Shabeellaha Dhexe uu ii dhaafo, balse wuxuu ii sheegay in ciidamadooda ay tababartay Soomaaliya," ayuu yiri Madaxwayne Farmaajo.

Hadalkaan ayuu hogaamiyaha Soomaaliya ka dhawaajiyay isaga oo tusaalaynaya in ciidanka xooga dalka ay door wayn ku lahaayeen xorreynta qaar kamida wadanka Afrika, inkasta oo ay haatan liitaan.

Balse, docda kale, waxay tani calaamad su'aal wayn dul-saareysaa heerka isku halayn ee war-saxaafadeedyada ay madaxtooyada kasoo saarto kulamada iyo run ka sheegida dulucda safarada uu galo madaxwaynaha.

Intaasi waxaa wehlisa in Farmaajo kahor inta uusan xukunka uu ol'olaha ku galay in uu ka shaqeyn doono sidii dalka uga bixi lahaayeen ciidamada shisheeye, hasayeeshee, waxaa muuqata in uu isbedalay mowqifkiisa.

Ma ahan markii ugu horeysay - bishii Maaj 2019 ayay ahayd markii uu qiray in ayan dowladdu bilooyin mushahar siinin ciidamada, taasi oo beenisay hadal kasoo yeeray ra'iisul wasaaraha oo ahaa in la bixiyay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hay’adda Sirdoonka Soomaaliya oo Qarka u Saaran Burbur Gudaha ah

Hay’adda oo uu hadda hoggaamiyo Cabdullaahi Maxamed Cali “Sanbalooshe” ayaa…

  • Soomaliya

    25-05-2025

  • 11:48PM

Cali Balcad: Madaxweynaha wuxuu shir la yeelan doonaa madaxdii hore ee dalka

Shirkan ayaa loo arkaa mid fure u noqon kara yareynta kala fogaanshaha siyaasadeed iyo dhisidda hannaan loo dhan yahay oo lagu wajahayo marxaladda kala guurka ah.

  • Soomaliya

    25-05-2025

  • 11:19AM