Farmaajo oo ka dhuuntay su'aallo laga waydiiyey Qalbi-dhagax iyo ONLF

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweynaha waqtiga kasii dhacayo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wuxuu si ku talagal ah wuxuu uga dhuuntay su'aallo laga waydiiyey Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbi-dhagax iyo jabhada ONLF.

Su'aalahan Farmaajo ku adkaatay in uu ka falceliyo ayaa lagu hor-dhigay Barnaamij Dood ah kaasoo Machadka Daraasaadka Siyaasadda RAAS uu habeenkii Sabtida ku qabtay aqalka looga arrimiyo dalka ee Villa Soomaaliya.

Ka qeybgale wiil dhalinyaro ah ayaa ku dhiiraday in hogaamiyaha waddanka hor-dhigo su'aallahaan oo kala ahaa; Inta aadan tartamin liiska argagixisada maka saareysaa ONLF iyo raali-gelin ma siineysaa Qalbi-dhagax?

Bishii September 6-deeda, 2017-kii, Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa Jabhada Xoreynta Ogaadeeniya u aqoonsaday in ay yihiin argagixiso.

Farmaajo oo aan ka cudur-daaran in uusan ka jawaabi karin su'aallahaan ayaa ku dheeraaday in uu ka jawaabo su'aal ku saabsaneyd ammaanka gaar ahaan fashilka balanqaadkiisii ahaa in uu laba sano kaga adkaanayo Al-Shabaab.

Kadib markii laga soo qabtay koonfurta Gaalkacyo, lagana soo dejiyey caasimada Muqdisho halkaasoo xabsiga nabad-sugida lagu hayey maalmo, Qalbi-dhagax ayaa loo duuliyey magaalada Baydhabo oo Itoobiya looga sii gudbiyey.

Baarlamaanka oo kasoo horjeestay dhiibista muwaadinkaan Soomaaliya ayaa ku tilmaamay "talaabo bar madow ku noqoneysa dowlada Farmaajo".

Bishii Janaayo, 2020, taliyihii hore ee sirdoonka Soomaaliya, Cabdullaahi Sanbaloolshe ayaa kadib markii xilka laga qaadey wuxuu raaligelin ka codsaday Qalbi-dhagax gaar ahaan doorkii uu ku lahaa dhiibitaakiisa.

Qalbi-dhagax oo cafiskaas ka falceliyey ayaa naqdiyey, wuxuuna carabka ku dhuftay "in uusan Sanbaloolshe u ekeen mid cudur-daar bixinaya".

Bishii June 28-keeda, 2018-kii ayuu Qalbi-dhagax dib u helay xorriyadiisa kadib cafis uu u fidiyey ra’iisul wasaare Abiy Axmed kaasoo isbedel ku yimaadey. Waqti xaadirkan isaga iyo jabhadiisa waa mucaarad ka jira Kalinka Shanaad.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM