Farmaajo oo ka hadlay geerida Pierre xilli uu aamusay dilka muwaadiniin
MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweynaha dowladda Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa wuxuu ka tacsiyeeyay geerida hogaamiyihii Burundi, Pierre Nkurunziza, xilli uusan ka hadlin muwaadiniin la laayey.
Farmaajo oo fariin soo dhigay bartiisa gaarka ah ee Twitter-ka ayaa wuxuu muujiyey in uu murugada la wadaagayo qoyska Nkurunziza oo u dhintay wadno xanuun kusoo booqdey Sabtidii todobaadkan.
"Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa dowladda iyo shacabka Jamhuuriyadda Burundi. Anigoo ku hadlaya afka muwaadiniinta Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo keyga, waxaan ka barooraneynaa dhimashadda HE Pierre Nkurunziza. Wuxuu saaxiib aad u wanaagsan iyo xulafo uu u ahaa Soomaaliya," ayuu ku yiri qoraalkiisa oo luuqada Corsican lagu soo daabay isla markaana ay ka falceliyeen tobanaan ku taxan bartiisa.
Dhacdooyinkii ugu dambeeyay ee muwaadiniin Soomaaliyeed ay ku dhinteen ee madaxweynuhu ka aamusay waxaa kamid ah; xasuuqii sideeda dhakhtar loogu geystay gobolka Shabeellaha Dhexe, bishii hore ee May.
Sidoo kale, wuxuusan ka falcelin madaxweynaha ku dhowaad tobban qof oo shacab ah oo argagixisadda ay qarax Miino kula eegatay duleedka Muqdisho; marxmuumiintaas waxay kusii jeedeen tacsi.
Siyaasiyiin oo su'aal geliyey sababta aysan madaxda sarre uga hadlin dhacdooyinkaas ayaa ugu baaqay in ay shacabka dejiyaan. Khudbadiisa dastuuriga ee furitaanka baarlamaanka, Farmaajo xitaa kuma soo qaadin.
"Madaxweynaha tacsida diriska"
Inkasta oo dadnimada xoojineyso in la wadaago dhibaatada, qaar kamid ah dadkii ka falceliyey qoraalka madaxweynaha ayaa xusuusiyey ahmiyadda ay leedahay in uu murugada la wadaago dadka loo doortay inuu hogaamiyo.
"Mudane maxad ula soo dag dagtaa tacsida dadka ajnabiga, markuu qof Soomaali ah dhintane ugu dhax dhuumataa madaxtooyda!" sidaas waxaa soo qoray qof Twitter-ka ay ugu qoran tahay Zakarie Hassan.
Ruux kale oo Twitter-ka kusoo gala Zakarie Abdullahi (Samaale) ayaa yiri: "Dhaqaatiirtii Sh/Dhexe lagu laayay maadan u tacsiyeenin. Sabab?"
"Waxaa ila fiican inaad dadka aad madaxweynaha u tahay aad u tacsiyayso marka ay kuu baahan yihiin. Sida dagdaga ah oo aad uga jaawaabayso tacsiyaynta dalalka caalamka iyo sida dadka aad hoggaamiso isku moogeysiinayso waa arrin aan fiicnayn mudane madaxweyne," ayuu yiri Isse Hassan.
Omar Adan ayaa dhankiisa soo qoray isagoo ka falcelinaya qoraalka Farmaajo: "Madaxweynaha tacsi dirista iyo hambalyeenta Soomaaliyeed".
Dhowr jeer ayay horey u dhacday in madaxweynaha dalka uu ka hadlo dhacdooyin laga soo wariyey qaar kamid ah dalalka kale, balse uusan muhiimad siinin kuwa gudaha, mana cadda sababta ka dambeysa go'aankaas.
GAROWE ONLINE