Farmaajo oo ka hadlay guusha Boris Johnson ee doorashadda Ingiriiska

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dhambaal hambalyo ah u diray ra’iisul wasaaraha Ingiriiska, Boris Johnson.

Xisbiga muxaafadka UK ee uu hogaamiyo Boris ayaa ku guuleystay aqlabiyadda baarlamaanka kadib coddeyn waqtigeeda laga soo horumariyey.

Guusha taariikhiga ah ee Boris ayaa waxay ka dhigan tahay in Ingiriiska uu si deg-deg ah uga bixi doono ururka Midowga Yurub.

"UK waa xulafo iyo saaxiib qiimo ugu fadhiya Soomaaliya," ayuu lagu yiri qoraal Jimcadda maanta ah lagu daabacay barta Twitter-ka ee Farmaajo.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in dowladda federaalka Soomaaliya ay diyaar u tahay in ay xoojiso xiriirka laba geesoodka ah ee kala dhaxeeya Ingiriiska.

Britain ayaa ka caawisa Soomaaliya dhinacyadda siyaasadda, ammaanka, kobcinta dhaqaalaha, la dagaalanka musuqmaasuqa iyo baacsiga argagixisadda.

Safaaradda Soomaaliya ee magaaladda caasimadda ah ee London ayaanan lahayn wax safiir ah muddo sanado ah.

Wasiirka Arrimaha Dibadda, Axmed Ciise Cawad, ayaa horaantii 2019 ka dhawaajiyey in danjiraha cusub sidda ugu dhaqsiyaha loosoo bandhigi doono.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM