Farmaajo oo ka hadlay guusha Boris Johnson ee doorashadda Ingiriiska

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dhambaal hambalyo ah u diray ra’iisul wasaaraha Ingiriiska, Boris Johnson.

Xisbiga muxaafadka UK ee uu hogaamiyo Boris ayaa ku guuleystay aqlabiyadda baarlamaanka kadib coddeyn waqtigeeda laga soo horumariyey.

Guusha taariikhiga ah ee Boris ayaa waxay ka dhigan tahay in Ingiriiska uu si deg-deg ah uga bixi doono ururka Midowga Yurub.

"UK waa xulafo iyo saaxiib qiimo ugu fadhiya Soomaaliya," ayuu lagu yiri qoraal Jimcadda maanta ah lagu daabacay barta Twitter-ka ee Farmaajo.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in dowladda federaalka Soomaaliya ay diyaar u tahay in ay xoojiso xiriirka laba geesoodka ah ee kala dhaxeeya Ingiriiska.

Britain ayaa ka caawisa Soomaaliya dhinacyadda siyaasadda, ammaanka, kobcinta dhaqaalaha, la dagaalanka musuqmaasuqa iyo baacsiga argagixisadda.

Safaaradda Soomaaliya ee magaaladda caasimadda ah ee London ayaanan lahayn wax safiir ah muddo sanado ah.

Wasiirka Arrimaha Dibadda, Axmed Ciise Cawad, ayaa horaantii 2019 ka dhawaajiyey in danjiraha cusub sidda ugu dhaqsiyaha loosoo bandhigi doono.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Jadwalka cusub ee doorashooyinka oo khatar gelinaya wada-hadallada dowladda iyo mucaaradka

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa horey isugu yeeray isbahaysiga mucaaradka ee "Somalia's Future Council".

  • Soomaliya

    04-05-2026

  • 03:07PM

Mucaaradka oo Muqdisho ku yeeshay shir ku saabsan hannaan doorasho oo cusub

Weli ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ku saabsan kulamada mucaaradka.

  • Soomaliya

    04-05-2026

  • 02:41PM