Farmaajo oo ku wajahan Sacuudiga iyo wafdi hordhac ah oo kahor maray

Image
Image

RIYADH - Wafdi hordhac u ah safarka Madaxweyne Farmaajo ee dalka Sacuudiga ayaa gaarey magaaladda Jeddah, iyadoo King Abdulaziz International Airport ay kusoo dhaweeyeen diblomaasiyiinta safaaradda Soomaaliya.

Wafdigan oo uu kamid yahay Wasiirka Amniga, Maxamed Abukar Islow ayaa waxaa hogaaminaya Wasiirka Arrimaha dibadda, Axmed Ciise Cawad, waxaana ay u tageen Jeddah inay u gogol xaaraan soo dhaweynta Farmaajo.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa lagu casuumay kulanka degdeg ah ee madaxda Jaamacadda Carabta, oo isagu yaarey Boqor Salman kaasoo looga hadli doono xiisadda gobolka Bariga Dhexe ee u dhaxaysa Iran iyo Mareykanka.

Wararka ayaa sheegay in Madaxweyne Farmaajo oo saacadaha soo socda uu ka ambabaxi doono Muqdisho, maadaama Shirka uu maalinta berri ah, 30-ka May ka furmaya magaaladda Jeddah.

Farmaajo ayaa maalin kahor kasoo laabtey safar uu ku tagey dalka South Africa, isagoo magaaladda Pretoria uga soo qeybgalay caleema-saarka Madaxweyne Cyril Ramaphosa oo mar labaad dib loo doortey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Farmaajo: Xasan Sheekh waa inuu maalmaha u haray ku dhawaaqaa nidaam doorasho oo loo dhan yahay

Farmaajo ayaa maamulka hadda jira ku eedeeyay inuu ku xadgudbayo xorriyadaha dastuuriga ah iyo xorriyadda hadalka.

  • Soomaliya

    08-05-2026

  • 07:51PM

Dowladda Soomaaliya oo War Cusub kasoo Saartay Kiiska Sacdiya Bajaaj ee Muqdisho Lagu Xiray

Dhanka kale, hay’adda Amnesty International ayaa hore ugu baaqday dowladda Soomaaliya in si shuruud la’aan ah loo sii daayo Sacdiya.

  • Soomaliya

    07-05-2026

  • 08:13PM