Farmaajo oo la kulmay guddiga wada-hadalka DF iyo Somaliland

Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Farmaajo ayaa kulan wada tashi ah la qaatay Guddiga Qaran ee Dhab-u-heshiisiinta iyo Wadahadallada Dowladda Federaalka iyo Somaliland.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in howl gelinta Guddigan iyo shaqooyinka ay qabteen muddadii koobneyd ee ay magacaabnaayeen ay muujinayso sida ay uga go’an tahay dowladda hor u socodsiinta qorshaha Qaran ee lagu xoojinayo wadashaqeynta iyo hirgelinta jawi kalsooni iyo horumar loo dhan yahay.

Farmaajo ayaa xasuusiyey Guddigan in laga sugayo xal waara oo miro dhal ah, horseedana qorshe Qaran oo ku wajahan tabashooyinka walaalaheenna Somaliland, si loo xaqiijiyo mabaadi’deenna wadajirka ah ee ku dhisan talo wadaagga, wadaniyadda iyo isku duubnida.

Dhankooda, Xubnaha Guddiga Qaran ee Dhab-u-heshiisiinta iyo Wadahadallada Dowladda Federaalka iyo Somaliland ayaa Madaxweynaha la wadaagay xogta ay ururiyeen muddadii la soo dhaafay ee ku saabsan fursadaha muuqda ee ka miro dhalinta dhab u heshiisiinta ay guddigu u xilsaaran yihiin iyo caqabadaha ku xeeran.

Kulankan wada-tashiga ah waxaa ka qeyb-galay Agaasimaha Madaxtooyada Qaranka Dr Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade) iyo dhammaan Xubnaha Guddiga Qaran ee Dhab-u-heshiisiinta iyo Wadahadallada Dowladda Federaalka iyo Somaliland.

Wada-hadaladda dowladda federaalka ah iyo Somaliland ayaa hakad ku jira tan iyo sanadkii 2014-kii.

Sikastaba ha ahaatee, Somaliland ayaa ku dhawaaqday in ay ka madax banaan tahay Soomaaliya inteeda kale sanadka markii uu ahaa 1991-dii, balse ma aysan helin aqoonsi caalami ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM