Farmaajo oo "u socda in uu kansar ku noqdo" Soomaaliya

Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaadey Farmaajo wuxuu u socdaa in uu Soomaaliya ku noqdo kacansarka nooca aan la daaweyn karin, sidda uu shaaca ka dhigay taliye ku xigeenkii hore ee hay'adda sirdoonka Soomaaliya, Cabdisalaam Guuleed.

Guuleed oo Farmaajo ku sifeeyay "kaligii-taliye" ayaa ku baaqay in dadka Soomaaliyeed ay si wadajir ah u wajahaan sidii ay uga badbaadin lahaayeen in uu xukunka kusii joogo qaab awood ciidan ah.

"Bini'aadamka wax kasta oo dhaca meel ayay ka weynaadaan. Farmaajo maanta waa nabar yar oo Soomaaliya ku yaala. Balse wuxuu u socdaa in uu noqdo kancsar waliba kansarka nooca aan la daaweyn karin oo loo dhinto – oo Soomaaliya ay u dhimato," ayuu u sheegay Hanoolaato Tv.

Wuxuu hadalkiisa intaasi kusii daray: "Maxaa yeelay ninka dhaqankiisa sidaas noqdey iyo wixii ka dambeeyay – haddey noqoto dhiibistii Qalbi-dhagax iyo askarta Soomaaliyeed ee tobbanka kun gaareysay ugu sadaqeeyay Eritrea – qofka nuxurkiisa iyo dadnimadiisa noocaas tahay waxaan is-leeyahay Soomaaliya waa musiibo u soo socoto walina joogta waxayna I xusuusineysaa cidda uu ku dayanaayo ayaa Siyaad Barre ah".

Dhanka kale, Villa Soomaaliya ayaan wali ka jawaabin eedeynta iyo sheegashooyinka Guuleed. Isku dayo warsidaha Garowe Online doonayey in wax looga waydiiyey ayaanan guuleysan.

Farmaajo oo xafiiska jooga ku dhowaad laba bilood isaga oo sharciyadda ay ka dhamaatay ayaa ku guuldareystay in uu heshiis siyaasadeed kala galo maamuladda qaabka loo maareynayo mar-xalada kala guurka, taas oo dhabaha u xaartay in waddanka uu galo qalalaase dastuuri ah.

Mucaaradka oo sameystay isbaheysi si ay cadaadiska ugu kordhiyaan maamulka waqtiga ka dhacay ayaa wuxuu xusay in Farmaajo uu siyaasadeeyay ciidamadda isla markaana u adeegsanayo damaciisa soo laabashadda, waxaana ay ka digeen in talaabadaas dalka u horseedo dagaal sokeeye.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Xamse oo Difaacay Shirka Muqdisho Inkastoo la Qadaacay

Xamse Barre, oo ah madaxa xukuumadda, ayaa ku adkeystay muhiimadda dhameystirka dastuurka kumeelgaarka ah.

  • Soomaliya

    18-06-2025

  • 12:58PM

Kalsoonida Beesha Caalamka ee Villa Somalia oo Meel Xun Maraysa

Beesha caalamku waxay maalin kasta ka cabanayaan Xasan Sheekh. Waxay leeyihiin wuu naga khasaaray, hadda waan ka guureynaa.

  • Soomaliya

    17-06-2025

  • 09:21AM