Farmaajo oo laba todobaad kadib socdaal kale ugu ambabaxay Asmara

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa magaalada Asmara ee dalka Ereteriya kaga qayb-gelaya kulan Madaxeed ku saabsan Iskaashiga Saddex Geesoodka ah ee dalalka Soomaaliya, Ereteriya iyo Itoobiya.

Kulankan oo ay ka qayb-gelayaan Madaxweynaha dalka Ereteriya Mudane Isaias Afwerki iyo Ra’iisul Wasaaraha Dalka Itoobiya Mudane Abiy Axmed ayaa ku saleysan dhammeystirka hannaanka iskaashiga dalalka Gobolka iyo sidii loo xaqiijin lahaa horumarka iyo xasilloonida dowladaha dan-wadaagta ah ee Geeska Afrika.

Inta ay kulamadani socdaan waxa ay Madaxdu qiimeynayaan miro-dhalka tallaabooyinka la qaaday si loo xaqiijiyo isu furfurnaanta dhanka diblumaasiyadda iyo isu-socodka bulshada Gobolka, mideynta qorsheyaasha lagu wiiqayo argagixisada iyo xal u helista caqabadaha ku xeeran Iskaashiga dalalka Gobolka.

Wafdiga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee ka qayb-gelaya wadahadalladan ayaa la wadaagaya dhiggooda dalalka Ereteriya iyo Itoobiya sida shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed ay uga go’an tahay adkeynta dowladnimadooda iyo horumarka ay ku tallaabsadeen muddadii la soo dhaafay, taasi oo xoojinaysa in ay door muhiim ah ka qaataan geeddi-socodka horumarineed ee la hiigsanayo.

Socdaalkan ayaa kusoo beegmaya iyaddoo laba todobaad kahor ay ahayd markii madaxweyne Farmaajo uu socdaal ku tegay Eritrea, halkaasoo uu dhigiisa Isaias Afwerki kala xaajoodey hirgelinta heshiisyadda saddex-geesoodka.

GO + Villa Soomaaliya

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM