Farmaajo oo lagu booriyey "in uu laba jeer raaligeliyo Aadan Cade"

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha waqtiga ka dhacay Farmaajo waa in uu raaligelin ka bixiyaa laba jeer oo u gefay madaxweynihii hore ee dalka, Aadan Cabdulle Cismaan, sida uu sheegay musharax madaxwayne.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, hogaamiyaha xisbi siyaasadeedka Wadajir oo qoraal ku daabacay ciwaankiisa gaarka ah ee Facebook, ayaa naqdiyey muuqaal uu dhowaan Farmaajo ku ammaanay Aadan Cadde.

Muuqaalkaas oo qeyb ka ahaa dukumiintiri uu telefishinka qaranka ka diyaariyey taariikhda Aadan Cadde ayuu Farmaajo ku sheegayaa in Aadan Cadde uu bud-dhig u ahaa dowladnimada ay Soomaalida hada haysato.

Hase ahaatee, sida laga soo xigtay Warsame, Farmaajo wuxuu horey ugu gefay Aadan Cadde buuggiisa difaacashadda ka qalin-jabinta jaamacadda heerka labaad ee waxbarashadda Master-ka.

"Allaha u naxariistee Madaxweyne Aadan C/lle Cismaan halgaamaa Soomaaliyeed oo garba duuban ajnabi uma gacan gelin, uma dirin dhalinyaro Soomaaliyeed in ay dal shisheeye u diriraan, siyaasiyiin ka aragti duwan weerar kuma qaadin, dastuurka kuma tuman, deegaano Soomaaliyeed ma cunaqabatayn, muddo kororsi dagaal uma oogin, siyaasad qamaar iyo qar iska tuur ah ma gelin," ayuu yiri Warsame.

Warsame ayaa intaas ku daray: "Ma aha Madaxweyne Aadan in afka laga sheegto ee waa in dhaqankiisa lala yimaado. Farmaajo labo jeer waa in uu Aadan Cade cudur daar siiyaa".

"Marka koowaad waa gefkii uu u gaystay kaddib markii uu bogga 50-aad ee buuggii uu kaga qalinjebiyey shahaadada labaad ee Jaamacadda (Master) ku sheegay in Aadan Cadde iyo C/rashiid Cali Sharmarke, AUN, ay ahaayeen adeegayaal isticmaar, qabiilladooduna ay gumaystaha gacansaar la lahaayeen," ayuu ka dhawaajiyey.

Siyaasiga ayaa hadalkiisa wuxuu intaas kusoo gabagabeeyay: "Tan labaad, waa in uu ka raalli geliyaa siduu ugu dheelay qarankii uu budhigayaashiisa ka midka ahaa, dowladnimadana ugu gabood falay".

Dhanka kale, illaa haatan ma jiro wax war ah oo ku saabsan qadiyaddan oo illaa haatan kasoo baxay dhanka Madaxtooyadda Soomaaliya mana ka jawaabin codsiyo uu warsidaha Garowe Online u diray xafiiska warfaafinta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mucaaradka Soomaaliya oo diiday jadwalka doorashooyinka 2027, kuna tilmaamay hannaan hal dhinac ah

Sida ku cad jadwalka uu guddigu shaaciyay, doorashooyinka labada aqal ee baarlamaanka federaalka ayaa la qaban doonaa 15-ka Abriil 2027.

  • Soomaliya

    15-10-2026

  • 12:20PM

Villa Somalia oo shaacinaysa jadwalka doorashada federaalka ee 2027, iyadoo aan heshiis siyaasadeed laga gaarin

Sida ay wararku sheegayaan, jadwalka la diyaariyay ayaa dhigaya in doorashada federaalka lagu qabto muddo 180 maalmood ah.

  • Soomaliya

    14-10-2026

  • 02:17PM