Farmaajo oo lagu cadaadinayo sii deynta Mukhtaar Roobow

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Iyadda oo uu jiro cadaadis uga imaanaya Xisbiyadda oo ku aadan xadgudub xuquuqda ah, madaxweyne Farmaajo ayaa si lamida wajahaya madax xanuun kale oo ah sii deynta Mukhtaar Roobow.

Taageereyaasha afhayeenkii hore ee ururka Al-Shabaab oo Jimcadii ku kulmay magaaladda Muqdisho ayaa karaar-siiyey culeyska ay saarayaan Dowladda Federaalka ee ku saabsan qadiyadda Abuu Mansuur.

Iyaga oo watay boorar ay ku xardhan yihiin "waxaan u baahan nahay Cadaalad", taageereyaasha ayaa cambaareeyay xabsi guriga, iyaga oo ku eedeeyay dowladda "cabsi gelin iyo tacadiyo".

Dalabkooda ku aadan in xorriyadiisa loo celiyo Roobow ayaa kusoo aadaya xili ay sanad iyo bilooyin ka harsan tahay doorashadda Soomaaliya ee 2020/21 taas oo hogaanka Farmaajo kula kulmayo loolan aad u adag.

Roobow oo la xiray bishii November ee 2018-kii ayaa xiran isaga oo aan maxkamad lasoo taagin. Maleyshiyaadkiisa iyo taageereyaashiisa ayaa ku baaqay in lasoo daayo si uu u sii wato yoolkiisa siyaasadeed.

Abuu Mansuur, oo ay Al-Qaacida ku tababartay Afghanistan kana mid ahaa aas-aaseyaashii Al-Shabaab 2006-dii, ayaa sanado ahaa ninka labaad ee ugu awooda badan. Mareykanka wuxuu 2012-kii madaxiisa dul-dhigay 5 milyan.

Khilaaf soo kala dhex-galay Al-Shabaab, oo ku saabsanaa aas-aasitaanka khilaafo caalami ah iyo qaar kale sida Roobow oo soo jeediyey in arrimaha Qaranka diirada la saaro, ayaa dhalisay in uu isaga soo baxo ururka.

Kadib is-qabqabsi kala dhaxeeyay hogaamiyihii la dilay ee Al-Shabaab, Axmed Godane, Roobow ayaa soo goostay, isaga oo doortay in uu la shaqeeyo Dowladda. Mareykanka wuxuu kadib ka qaadey xayiraada.

Bishii October, Roobow ayaa ku dhawaaqay in uu u tartamayo doorashada madaxweynaha ee maamulka Koonfur Galbeed, balse dowladda waa ay kasoo horjeesatay. Magaaladda Baydhabo ayeyna kasoo xirtay.

Ciidamadda Itoobiya ayaa qabashadda ka dambeeyay. Mudaaharaadyo ka dhashay waxay dhaliyeen geerida tobanaan uu kamid yahay Xildhibaan heer gobol ah.

Xarigaas ayaa dowladda madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo u soo jiiday dhalaaceyn caalami ah. Dhowr jeer ayay balanqaadey in ay sii deyn doonto balse ma aysan fulin.

Baaqii Jimcadda ayaa imaanaya xili mudada xileedka xukuumadda Nabad iyo Nolol uu dhamaad ku dhow yahay isla markaana uu uusan wanaagsaneyn cilaaqaadka kala dhaxeeya qaar kamid ah maamul goboleedyadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM