Farmaajo oo lagu tilmaamay "qaswade qalalaase abuur ah"

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaadey Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waa "qaswade doonaya in uu qalalaase geliyo waddanka," sidda uu shaaca ka dhigay musharax madaxwayne Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Dhawaqa Hogaamiyaha xisbi siyaasadeedka Wadajir ayaa kusoo hagaagay saacado kadib markii Farmaajo uu ku dhawaaqay shir lagu saxiixayo soojeedintii guddiga farsamadda ee Baydhabo.

Farmaajo ayaa shirkaas halka maalin ah u muddeeyay 4-ta Maarso saacado kadib markii Midowga Musharaxiinta iyo Xukuumadda waqtiga ka dhamaadey ay is-afgarad ka gaareen banaanbaxa nabadeed.

Falanqeeyeyaasha siyaasadda ayaa is-waydiiyey haddii Farmaajo uu shirkaas uga hortagayo in uusan dhici banaanbaxa loo balansan yahay Sabtida todobaadka dambe ama in uu tuhmay doorka Ra'iisul Wasaaruhu ka cayaaray wadaxaajoodyadda.

Warsame, wasiirkii hore ee qorsheynta Soomaaliya kana mid ah mucaaradka ugu waaweyn ee dowladda dhacdey ee Farmaajo, ayaa ku baaqay in mowqif middeysan laga qaato "qaswadnimadda" Farmaajo.

"Mar kasta oo xalku soo dhowaado iyo heshiis la doonayo in la gaaro, Farmaajo ayaa khariba. Su’aashu waxay tahay: yaa ku taageeraya dalabkiisa qaswadnimadda ah? Haddii aysan jirin cid taageeraysa, markaa waxaan u baahanahay inaan mowqif mideysan ka qaadano ninkan doonaya inuu qalalaase ka abuuro dalka," ayuu kusoo qoray boggiisa Twitter.

Isu-soo-dhowaanshiyaha xukuumadda xilliga dasuuriga ka idlaadey iyo mucaaradka ayaa la filayey in uu iba-fur u noqon karo wadatashiyo guud oo heer qaran ah. Balse, waxaa mar kale mugdi geliyey shirka Farmaajo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM