Farmaajo oo lagu waaniyey joojinta faragelinta doorashada

Image
Madaxweynaha waqtiga ka dhamaadey ayaa lagu eedeeyay "in uu caadeystay" jebinta dastuurka dalka. [Photo: Villa Somalia]

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha xilheyntiisa dastuuriga ay idlaatay Farmaajo waa in uu joojiyo faragelinta uu ku hayo geedi-socodka doorashooyinka ee dalka uu u jiheystay, sida ay sheegeen musharaxiinta.

Midowga Musharaxiinta Madaxtinimada Soomaaliya ayaa digniintan soo mariyey war-saxaafadeed ay kusoo dhaweeyeen eryida ra'iisul wasaaraha xilgaarsiinta ee saraakiisha ka tirsaneyd hay'adda sirdoonka qaranka.

Rooble ayaa Jimcadii shalay wuxuu xilka ka qaadey madaxii shaqaalaha NISA, Cabdullaahi Aadan Kulane, iyo taliyihii hay'adda mukhaabaraadka ee garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, Cabduwahaab Sheekh Cali.

Sida laga soo xigtay warka qoraalka ah ee musharaxiinta, talaabadan "waa mid u adeegaysa sarreynta sharciga" ayaga oo ku booriyey dhinacyadda ay khuseyso "in ay ka dheeraadan wax kasta oo khilaaf abuuri kara".

"Goluhu wuxuu ku baaqayaa in talaabadda uu qaadey ra'iisul wasaaraha ay noqoto mid dadka oo dhan ay u wada siman yihiin oo ka dhaqan-gasha guud ahaan dalka," ayaa la raaciyey bayaankan uu arkay Garowe Online.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Villa Soomaaliya aysan "ku qanacsaneyn" talaabadda ra'iisul wasaaraha xilgaarsiinta. Balse, ma cadda haddii ay Madaxtooyaddu ku fekereyso in ay ka mudaaharaadyo si siyaasadeysan.

"Goluhu wuxuu ugu baaqayaa madaxweynaha muddo xileedkiisa dastuuriga ah uu dhamaadey in uu ka waantoobo ku tumashada dastuurka oo uu caadeystay iyo faragelinta joogtada ah ee uu ku hayo geedi-socodka doorashooyinka uu dalka u jiheystay ee ah in ay ku dhacaan doorasho xor iyo xalaal ah oo ku qabsoonta mudada loo cayimay," ayaa lagu soo xiray qoraalka.

Farmaajo oo afartii sano ee lasoo dhaafay ku dhameystay isaga oo ay dul-hooganayaan eedeymo awood-sheegasho, nin jeclaysi iyo ku tumasho sharciga dalka ayaa mar kale u ordaya qabashadda kursiga ugu sareey dalka.

QORAALKA MUSHARAXIINTA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM

Gollaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ansixiyay Heshiisyo iyo Shuruuc Muhiim ah

Xildhibaanadu waxay kaloo oggolaadeen Axdiga Ururka Caalamiga ah ee Dayax-gacmeedka Guur-guura.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 10:23AM