Farmaajo oo layli u diray xukuumadda kadib is-miidaamintii Muqdisho

Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kulan isugu yeeray Taliyeyaasha u xilsaaran sugidda amaanka caasimadda ayaa su’aalo ka waydiiyay qaraxii Aqalka Dowladda Hoose.

Madaxweynaha ayaa ka dhegaystay Taliska Ciidanka Booliska warbixin gaar ah oo ku saabsan masuuliyadda gaabiskii amni ee dhacay iyo halka ay marayaan baaritaannadii ay ku sameynayeen weerarka Arbacadii.

Afhayeenka Farmaajo ayaa sheegay in Madaxweynaha uu faray Xukuumadda in ay "si degdeg ah" ula timaaddo qorshe ku aadan la dagaallanka dadka sida "tooska ah iyo sida dadban u gacan siiya argagixisada Al-Shabaab".

“Suurta gal maha in ay nagu dhex jiraan dadka gacanta siinaya argagixisada dadkeenna dhibaataynaya. Waxaa laga sugayaa Xukuumadda in ay la timaado qorshe lagula dagaallamayo dadkaas," ayuu yiri Cabdinuur Maxamed Axmed.

Todoba mas'uul oo isugu jira gudoomiyeyaal degmo, agaasimeyaal iyo lataliye ayaa ku naf-waayey weerarkaasi oo ay fulisay haweenay shaqaalaha gobolka ka tirsaneyd oo isa soo miidaamiday.

Qofkan dumarka ah oo la sheegay in ay camoole ahayd ayaa waxaa sidoo kale xogo laga helay laamaha amnigu tibaaxayaan in ay duqa caasimada kala shaqeyn jirtay u-gargaarida dadka baahiyaha gaarka ah qaba.

Tani ayaa ka dhigeysa markii afaraad oo ay kooxda gacansaarka la leh Al-Qaacida ay haweenay u adeegsato weerar is-qarxin ah, iyadda oo horey loo xusuusto dhacdooyin kale.

Dhankooda, Guddiga Gurmadka Caafimaad ee dhaawacyadii "qaraxan naf-hallignimada ahaa" ayaa la wadaagay Madaxweynaha xogta xaaladda caafimaad ee dhaawacyada.

Xubnaha dhaawaca ah ee dibadda gaar ahaan dalka Qadar loo qaadey waxaa kamid ah gudoomiyaha gobolka Cabdiraxmaan Eng Yariisow iyo mas'uuliyiin kale oo la sheegayo in xaaladooda ay "soo fiicnaaneyso".

Guddigan ayaa tilmaamay in qaar ka mid ah dadkii ku dhaawacmay weerarradii argagixisanimo ee ka dhacay magaalooyinka Kismaayo iyo Boosaaso ay qayb ka ahaayeen dhaawacyadan Khamiistii la qaaday.

War-saxaafadeed kasoo baxay Villa Soomaaliya ayaa lagu sheegay in madaxweynaha uu soo kabasho degdeg ah u rajeynayo gebi ahaanba dadkii wax ku noqday dhacdadaasi.

Illaa iyo haatan, Al-Shabaab ayaa in ka badan 50 ruux ku dishay weeraro kala duwan oo ay ka fulisay Kismaayo iyo Muqdisho, taasi oo ka dhigan mid kamid ah bilooyinkii ugu khasaaraha badnaa falal argagixisnimo ee kooxdan.

MUUQAALKA KULANKA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Danjire hore oo Mareykan ah oo ka digay in si degdeg ah loo aqoonsado Somaliland

Danjiruhu wuxuu tilmaamay in Mareykanka uu haysto saddex ikhtiyaar: in uu sii hayo…

  • Soomaliya

    20-08-2025

  • 12:44PM

Cirro: Inta aan xafiiska joogo bay Somaliland aqoonsi helaysaa

Hadalka madaxweynaha ayaa imaanaya xilli ay sare u sii kacayso baaqyada lagu dalbanayo in Mareykanku aqoonsado Somaliland.

  • Soomaliya

    20-08-2025

  • 05:42AM