Farmaajo oo loo diray warqad walwal looga muujiyey xaalada jira

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Machadka Caalamiga ah ee Warbaahinta ayaa shaaca ka dhigay in ay uu warqad u diray xafiiska madaxweynaha dowladda Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Warqadaas oo todobaadkii hore loo qoray xafiiska Farmaajo ayaa looga codsaday in dowladdiisu sidda ugu dhaqsiyaha badan u joojiso xadgudubka wariyeyaasha iyo warbaahinta.

Sidoo kale, waxaa walaac looga muujiyey xaaladaha sii kordhaya ee Hay'adda Sirdoonka iyo Mas'uuliyiinta sar-sarre ay ugu xadgudbayaan wariyeyaasha iyo xorriyadda hadalka.

"Warbaahin madax-banaan la'aan dimuqraadiyad kama sii jireyso Soomaaliya. Guud ahaan warbaahinta waxay daruuri u tahay dumuqraadiyadda gaar ahaan xilli uu dalku wajahay caqabado kala duwan," sidaas waxa warqadda ku yiri Ravi R. Prasad, agaasimaha waaxda ololaha.

Farmaajo ayay cod dheer kaga dalbadeen in uu xaqiijiyo in Hay'adda Nabad-sugida iyo Sirdoonka Qaranka iyo mas'uuliyiinta dowladda aysan u cagajugleyn wariyeyaasha iyo war-fidiyeenka.

Soomaaliya ayaa haatan ku howlan iska-caabinta safmarka Coronavirus. Sidoo kale, doorashooyin aan wali lagu heshiin nidaamka lagu galayo waxaa loo madalsan yahay sanadka 2020-21.

Warbaahinta ayaa laga maarmaan u ah ajendayaashan heerka Qaran, waxaana dowladda madaxweyne Farmaajo lagu sifeeyay "xukuumaddii ugu xumeyd ee soo martay warbaahinta madaxa-banaan".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hawlgallo ka Dhacay Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe

Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa ka mid ah gobollada ay ka socdaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:53AM

Xildhibaano iska casilay Baarlamaanka Maamulka fadhiya Laascaanood 

Wuxuu sheegay in sababta ay u qaateen go’aanka is-casilaadda ay tahay iyagoo aaminsan in maamulka uu ka leexday ujeeddadii loo dhisay.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:21AM