Farmaajo oo loogu baaqay in uu booqdo ciidamo la weeraray

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi,oo ka tirsan Aqalka Hoose ee baarlamaanka Soomaaliya, ayaa madaxweyne Farmaajo ku booriyey in uu booqdo goobo ay Al-Shabaab weerartay.

Mudanaha oo qoraal soo dhigay bartiisa gaarka ah ee Facebook ayaa muujiyey in tani ay dhiiragelin u tahay askarta.

"Madaxweyne Farmaajo maadama taliyaha guud ee ciidamada Qalabka sida uu yahay dastuuriyan, waxaa laga codsanayaa In uu booqdo jiidaha hore ee ay ku sugan yihiin ciidamada qalabka sida ee Kooxaha Argagixisadu ay maanta weerareen sida Qoryooley iyo Ceel Saliini," ayuu yiri.

Wuxuu hadalkiisa intaas ku daray siyaasiga: "Suurtagal ma ahan in ciidamadii joogay markii talada uu qabtey in gurmad la’aan cadowga loo loogo, kuwa cusub ee uu tababartayna uu madaxtooyada ku heysto".

Weerarkii Ceel Saliini oo is-miidaamin ku bilowday ayaa la xaqiijiyey in lagu dilay in ka badan 20 askari, waxaana Al-Shabaab la sheegay in ay ku furatay saanad ciidan iyo hub lagu soo riddo diyaaradaha.

Duulaanka Qoryooley waxaa la sheegay in Al-Shabaab looga dilay 12 dagaalame. Balse waxay burburiyeen buundadii magaalada.

Bishii April sanadkii hore 2019 ayay ahayd markii madaxweyne Farmaajo uu tegay degaanada Sabiid iyo Caanoole, halkaasoo ciidamadda ka saareen Al-Shabaab oo in muddo ah gacanta ku haysa tuulooyinkaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku baaqay kulan Gollaha Mustaqbalka

Madaxtooyadu waxay sheegtay in ajendaha kulanka uu ku saleysan yahay dardargelinta geeddi-socodka dowlad-dhiska.

  • Soomaliya

    02-05-2026

  • 08:07PM

Markab Shidaal oo laga Afduubtay Xeebaha Yemen, loona leexiyay dhanka Soomaaliya

Ilaa iyo hadda lama shaacin cidda ka dambeysa afduubka, waxaana socda baaritaanno dheeraad ah oo arrintan la xiriira.

  • Soomaliya

    02-05-2026

  • 02:20PM