Farmaajo oo loogu baaqay in uu booqdo ciidamo la weeraray

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi,oo ka tirsan Aqalka Hoose ee baarlamaanka Soomaaliya, ayaa madaxweyne Farmaajo ku booriyey in uu booqdo goobo ay Al-Shabaab weerartay.

Mudanaha oo qoraal soo dhigay bartiisa gaarka ah ee Facebook ayaa muujiyey in tani ay dhiiragelin u tahay askarta.

"Madaxweyne Farmaajo maadama taliyaha guud ee ciidamada Qalabka sida uu yahay dastuuriyan, waxaa laga codsanayaa In uu booqdo jiidaha hore ee ay ku sugan yihiin ciidamada qalabka sida ee Kooxaha Argagixisadu ay maanta weerareen sida Qoryooley iyo Ceel Saliini," ayuu yiri.

Wuxuu hadalkiisa intaas ku daray siyaasiga: "Suurtagal ma ahan in ciidamadii joogay markii talada uu qabtey in gurmad la’aan cadowga loo loogo, kuwa cusub ee uu tababartayna uu madaxtooyada ku heysto".

Weerarkii Ceel Saliini oo is-miidaamin ku bilowday ayaa la xaqiijiyey in lagu dilay in ka badan 20 askari, waxaana Al-Shabaab la sheegay in ay ku furatay saanad ciidan iyo hub lagu soo riddo diyaaradaha.

Duulaanka Qoryooley waxaa la sheegay in Al-Shabaab looga dilay 12 dagaalame. Balse waxay burburiyeen buundadii magaalada.

Bishii April sanadkii hore 2019 ayay ahayd markii madaxweyne Farmaajo uu tegay degaanada Sabiid iyo Caanoole, halkaasoo ciidamadda ka saareen Al-Shabaab oo in muddo ah gacanta ku haysa tuulooyinkaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM