Farmaajo oo loogu baaqay in uu dib-u-habeyn ku sameeyo taliska NISA

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa kula taliyey madaxweynaha waqtiga kasii dhacayo Farmaajo in uu dib-u-habeyn ku sameeyay ciidamadda gaar ahaan taliska nabad-sugida iyo sirdoonka.

Hogaamiyaha xisbi siyaasadeedka Wadajr oo warbaahinta kula hadlay magaala madaxda Muqdisho ayaa sheegay in talaabadan ay caddeyn u noqon karto tanaasulka Farmaajo ka sheegay casho sharaftii Villa Somalia.

Casho sharaftaas lagu soo xiray wadahadalka doorashada dowlada iyo maamulada ayuu madaxweynhu ka xusay in uu codeyn qof iyo cod ah uga tanaasulay in dalku kala go'in iyo in aysan imaan faragelin shisheeye.

Isagoo ganafka ku dhuftay sheegashadaas, kuna qeexay "marmarsiyo" isla markaana maamulada "ka siiyey cudurdaar," Warsame ayaa aaminsan in Farmaajo uu ka tanaasulay muddo kororsiga uu ka shaqeynayey.

"Madaxweynaha tanaasulka uu sheegayo hadii ay run ka tahay waxaa caddeyn doonto in uu dib-u-habeyn ku sameeyay hay'addaha ammaanka iyo taliska nabad-sugida oo ku milmay siyaaada; iyaddoo aan ognahay in ciidamada sanadihii u dambeeyay loo adeegsanayey dano siyaasadeed," ayuu ka dhawaajiyey.

Ammaanka doorashooyinka soo aadan ayuu cod dheer kusoo jeediyey in ay muhiim tahay in ay si furan uga doodaan daneeyeyaasha ay khuseyso.

Ra'iisul wasaaraha iyo xukuumadiisa cusub ayuu afka ku balaariyey in laga doonayo in ay dhex-dhexaad u noqdaan murashaxiinta "maadaama madaxweynuhu yahay murashax isla markaana raba in dib loosoo doorto.
Madaxweynaha ayuu ku baaqay in laga ilaaliyo in uu saameyn balaaran ku yeesho go'aanada ugu waaweyn ee khuseeya coddeynta si dantiisa uusan ugu saleyn.

Doorashada xubnaha metela Somaliland ayuu adkeeyay in lagu wareejiyo xubnaha halkaas kasoo jeeda si looga ilaaliyo ku subasho iyo boob.

Soomaaliya ayaa haatan dhexda kaga jirta kala guur siyaasadeed oo aad u adag, iyaddoo siyaasiyiinta ay isha ku hayaan isla markaana ay ka cabsi qabaa in ay boobaan madaxda talada haysa si ay u difaacdaan kuraasta ay ku fadhiyaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM