Farmaajo oo magacaabay taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Farmaajo oo darajada Sarreeye Guuto u dalacsiiyey Cismaan Maxamed Cabdullaahi [Kaniif] ayaa u magacaabay Taliye Kuxigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Sarreeye Guuto Cismaan Maxamed Cabdullaahi (Kaniif) ayaa wuxuu beddalay Taliye Ku xigeenkii hore ee Ciidanka Booliska Sarreeye Guuto Siciid Axmed Kadiye.

Sidda ku xusan digreetadda, Farmaajo ayaa u rajeeyey Sarreeye Guuto Cismaan Maxamed Cabdullaahi [Kaniif] in uu Alle u fududeeyo gudashada howlaha muhiimka ah ee horyaalla.

"Wareegtada Madaxweynaha oo salka ku haysa dadaallada joogtada ah ee sare u qaadista amniga iyo dib u habaynta laamaha ammaanka ayaa dhaqan galaysa laga bilaabo caawa oo Talaado ah 01-da, Oktoobar 2019".

Isku shaan-dheyntii u dambeysay

Bishii August ee sanadkan 2019 ayay ahayd markii isbedel lagu sameeyay hogaanka talisyadda kala duwan ee Ciidamadda Qalabka Sidda ee Soomaaliya.

Taliyaha Ciidamada Milatariga ayaa waxaa loo magacaabay Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage, wuxuuna bedelay Daahir Aadan Cilmi [Indhaqarshe].

Odowaa, oo shaqsi dhalinyaro ah, ayaa waxaa dhowaan loo xushay Taliyaha Ciidanka Lugta ee howlgalo kala duwan ka duwan gobolada Shabeelooyinka.

Taliyaha Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka ayaa waxaa laga dhigay, Fahad Yasiin Xaaji Daahir, kaasi oo si ku meel gaar ah u hayey markii la eryay Sanbaloolshe.

Taliyaha Booliiska ayaa waxaa loo magacaabay Jeneraal Cabdi Xasan Maxamed, wuxuuna xilka kala wareegay Bashiir Cabdi Maxamed [Bashiir Ameeriko].

Taliyaha Ciidanka Asluubta ayaa waxaa laga dhigay Gen Mahad Cabdirahmaan Aadan. Jagadan waxaa laga xayuubiyay Bashiir Maxamed Jaamac [Goobe].

Isku shaadheynta ayaa timid markii bishii July ay Al-Shabaab weerartay xarunta dowladda Hoose ee Xamar ayna ku dishay tobban uu ku jiro gudoomiyihii gobolka ahaana duqa caasimada, Injineer Yariisow.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo digniin culus u diray dowlado shisheeye 

“Ciddii isku dayda inay kala qaybiso Soomaaliya waxay heli doontaa kaliya waqti, dadaal iyo diblomaasiyad khasaaray,” ayuu yiri madaxweynaha.

  • Soomaliya

    16-06-2025

  • 06:03PM

Muxuu La Kulmay Ninkii Kaliya ee Ka Badbaaday Shilkii Diyaaradda ee Ay Ku Dhinteen 242 Qof?

Diyaaradda oo ahayd duulimaadkii AI171 kuna sii jeeday Garoonka Gatwick, ayaa waday….

  • Soomaliya

    12-06-2025

  • 09:16PM