Farmaajo oo lagu casuumay shir ka dhacay dalka Ruushka

Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Danjiraha cusub ee Dowladda Ruushku u soo magacawday Soomaaliya.

Mr Golovanov oo Madaxweynaha soo gaarsiiyay salaan iyo farriin uu uga siday dhiggiisa dalkaas, Vladimir Putin ayaa hoosta ka xarriiqay in uu dadaal badan gelin doono xoojinta xiriirka labada dal.

Madaxweynaha iyo danjiraha cusub ayaa ka wada hadlay dib u xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed eeSoomaaliya iyo Ruushka si loo adkeeyo iskaashiga dhinacyada gargaarka bini’aadannimada, dhaqaalaha iyo waxbarashada.

Safiirka oo xukuumada ku bogaadiyay horumarka iyo dib u habaynta amniga iyo dhaqaalaha ayaa Madaxweynaha kala hadlay qaabkii uu Ruushku gacan uga geysan lahaa tababarka shaqaalaha rayidka ah iyo laamaha amniga.

Mr Farmaajo ayaa danjiraha la wadaagay dadaalka ay Dowladdu ugu jirto dib u soo noolaynta xiriirkii ay la lahayd waddamada adduunka iyo sida ay uga go’an tahay inay dalalka caalamka la yeelato iskaashi.

Madaxweyne Farmaajo ayaa safiirka ugu hambalyeeyay xilka loo magacaabay isaga oo ka guddoomay martiqaad rasmi ah oo uu uga siday Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin.

Casuumaad ayaa ku aaddan ka qaybgalka Shirka Afrika ee dabayaaqada sannadkan la filayo in uu ka qabsoomo magaalada Sochi ee dal weynaha Ruushka ee qaaradda Yurub.

Kulankaasi ayaa waxaa kasoo qeybgeli doono madax kale oo ka socotay waddamo kale, waxaana la filayaa in xooga lagu saaro arrimo badan oo quseeya qaaradda.

Soomaaliya iyo Ruushka ayaa wadaaga xiriir taariikhi ah xili waddankaasi ay ku sugan yihiin dad Soomaaliyeed oo isugu jira Arday iyo qaar qaxooti ahaan ugu nool qarankaasi.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Taliyihii Hore ee Asluubta Soomaaliya oo Hanjabaad u Diray Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed

Mahad Shub ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada iyo diyaaradaha la geeyay Baydhabo aysan ka hor istaagi doonin qorshayaashiisa.

  • Soomaliya

    30-07-2026

  • 05:10PM

Mas’uuliyiinta ugu sarreysa amniga Soomaaliya oo ka maqan shirka Kampala

Maqnaanshaha hoggaanka sare ee amniga Soomaaliya ayaa su’aalo ka dhex abuuray qaar ka mid ah dadka indha-indheeya arrimaha gobolka.

  • Soomaliya

    30-07-2026

  • 01:58PM