Farmaajo oo sagootiyey dhaawacyo loo qaaday dalka Turkiga

Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku sagootiyay Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cabdulle dhaawacyada 16 kamid ah dadkii rayidka ahaa ee ku waxyeelloobay qaraxii bahalnimo ee argagixisadu ay ku laayeen shacabkii birmageydada ahaa ee isgooyska Ex-Kaantarool.

Madaxweynaha ayaa mid mid u dul istaagay dhaawacyadan oo xaaladdooda caafimaad ay aad u culus tahay, waxa uuna eheladooda u xaqiijiyey in dowladdu ay ku bixin doonto dadaal kasta sidii ay u heli lahaayeen daryeel caafimaad oo dhammaystiran.

Muwaadiniintan ayaa ku naafoobay dhagarta ay soo maleegeen argagixisadu.

Madaxweyne Farmaajo ayaa uga taciseeyey labada muwaadin ee u dhashay dalka Turkiga ee ku shahiiday qaraxa Ex-Kaantarool iyagoo ku garabsiinayey dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed dib u dhiska dalkooda, wuxuuna Alle uga baryay inuu naxariistiisa janno ku abaal mariyo.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyey dowladda iyo shacabka dalka aan walaalaha nahay ee Turkiga gurmadkan caafimaad ee ay u soo direen shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan muwaadiniinteenna dhaawacyada ay kasoo gaareen qarixii wuxuushnimada ahaa ee ay soo abaabuleen aragixisada.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay sii xoojiyaan gurmadka loo fidanayo qoysaska ay dhibaateeyeen argagixisadu oo ay ka burburiyeen guryahooda iyo hantidooda, ayna laayeen ubadkooda iyo waalidiintooda.

Madaxtooyadda Soomaaliya

Related Articles

Masar oo Bilawday Qorshe Ay Cadaadis Milatari Ku Saarayso Itoobiya

Ka dib markii uu dhacay khilaafkii u dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya ee la xiriiray heshiiskii Itoobiya la gashay Somaliland.

  • Soomaliya

    26-08-2025

  • 11:58AM

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM