Farmaajo oo "shaqsiyadeeyay" siyaasada arrimaha dibada

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxwaynaha waqtiga ka dhamaadey ee Farmaajo oo "shaqsiyadeeyay" siyaasada arrimaha dibada dalka ayaa sabab u ah khilaafka Soomaaliya iyo Kenya, sida uu aaminsan yahay Cabdullaahi Sanbaloolshe.

Agaasimihii hore ee hay’adda mukhaabaraadka Soomaaliya oo kasoo muuqdey shaashada telefishinka Universal ayaa sidoo kale wuxuu ka hadlay doorashooyinka la filayo in dalka ka dhacaan.

Sanbaloolshe oo mucaaradka ku sifeeyay "jabhad aakhiritaankii dhexdooda isku jeesta" ayaa Farmaajo wuxuu tilmaamay "mid isku dayaya in uu aamusnaan ku kala qeybiyo mucaaradka".

"Yaxaaska marka uu webigu biyo beelo dhulkuu galaa wuu is-duugaa markuu roob yimaadana waa soo baxyaa. Hadda Farmaajo waa is-maskiininayaa waa is-duugayaa wuxuu isku dayayaa in uu iska dhigo nin maxmiyad iyo maskiin ah ragga ay iska soo horjeedaana ay is-tusiyaan waxa isku soo haray in ay ayaga tahay oo ay ayaga isku soo jeestaan," ayuu ku daray.

Sida laga soo xigtay Sanbaloolshe, ma jirto wax fursad ah oo Farmaajo uga banaan in uu mar labaad ku guuleysto jagada ugu sareyso Soomaaliya "haddii ay dhacda waa sii socoshada colaad sokeeye".

"Farmaajo wax fursad ah uu leeyahay in dib loo doorto ma jirto. Haddii la doortana macnaheedu waa [sii socoshada dagaal sokeeye, kala qeybsanaanta]; yacnii ballaayo sii socota ayaa qoorta lala geli doonaa mooyee xal maka imaanayo," ayuu hoosta ka xariiqay safiirkii hore ee Soomaaliya ee Turkiga.

Mar wax laga waydiiyey khilaafka diblumaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Kenya, Sanbaloolshe ayaa "aniga waxaan aaminsanahay Soomaaliya iyo Kenya isma khilaafsana. Madaxda Farmaajo iyo team [kooxdiisa] ayaa shaqsiyadeynaya siyaasadda arrimaha dibadda".

Xiisada Muqdisho iyo Nairobi oo mar-xalado kala duwan soo maray ayaa waqti xaadirkan wuxuu marayaa heerkii ugu sareeyay iyadda oo labada dowladood ay qaadeen talaabooyin midba kan kale uu uga aargudanayo kuna jirto xayiraadyo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mucaaradka Soomaaliya oo diiday jadwalka doorashooyinka 2027, kuna tilmaamay hannaan hal dhinac ah

Sida ku cad jadwalka uu guddigu shaaciyay, doorashooyinka labada aqal ee baarlamaanka federaalka ayaa la qaban doonaa 15-ka Abriil 2027.

  • Soomaliya

    15-10-2026

  • 12:20PM

Villa Somalia oo shaacinaysa jadwalka doorashada federaalka ee 2027, iyadoo aan heshiis siyaasadeed laga gaarin

Sida ay wararku sheegayaan, jadwalka la diyaariyay ayaa dhigaya in doorashada federaalka lagu qabto muddo 180 maalmood ah.

  • Soomaliya

    14-10-2026

  • 02:17PM