Farmaajo oo "shaqsiyadeeyay" siyaasada arrimaha dibada

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxwaynaha waqtiga ka dhamaadey ee Farmaajo oo "shaqsiyadeeyay" siyaasada arrimaha dibada dalka ayaa sabab u ah khilaafka Soomaaliya iyo Kenya, sida uu aaminsan yahay Cabdullaahi Sanbaloolshe.

Agaasimihii hore ee hay’adda mukhaabaraadka Soomaaliya oo kasoo muuqdey shaashada telefishinka Universal ayaa sidoo kale wuxuu ka hadlay doorashooyinka la filayo in dalka ka dhacaan.

Sanbaloolshe oo mucaaradka ku sifeeyay "jabhad aakhiritaankii dhexdooda isku jeesta" ayaa Farmaajo wuxuu tilmaamay "mid isku dayaya in uu aamusnaan ku kala qeybiyo mucaaradka".

"Yaxaaska marka uu webigu biyo beelo dhulkuu galaa wuu is-duugaa markuu roob yimaadana waa soo baxyaa. Hadda Farmaajo waa is-maskiininayaa waa is-duugayaa wuxuu isku dayayaa in uu iska dhigo nin maxmiyad iyo maskiin ah ragga ay iska soo horjeedaana ay is-tusiyaan waxa isku soo haray in ay ayaga tahay oo ay ayaga isku soo jeestaan," ayuu ku daray.

Sida laga soo xigtay Sanbaloolshe, ma jirto wax fursad ah oo Farmaajo uga banaan in uu mar labaad ku guuleysto jagada ugu sareyso Soomaaliya "haddii ay dhacda waa sii socoshada colaad sokeeye".

"Farmaajo wax fursad ah uu leeyahay in dib loo doorto ma jirto. Haddii la doortana macnaheedu waa [sii socoshada dagaal sokeeye, kala qeybsanaanta]; yacnii ballaayo sii socota ayaa qoorta lala geli doonaa mooyee xal maka imaanayo," ayuu hoosta ka xariiqay safiirkii hore ee Soomaaliya ee Turkiga.

Mar wax laga waydiiyey khilaafka diblumaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Kenya, Sanbaloolshe ayaa "aniga waxaan aaminsanahay Soomaaliya iyo Kenya isma khilaafsana. Madaxda Farmaajo iyo team [kooxdiisa] ayaa shaqsiyadeynaya siyaasadda arrimaha dibadda".

Xiisada Muqdisho iyo Nairobi oo mar-xalado kala duwan soo maray ayaa waqti xaadirkan wuxuu marayaa heerkii ugu sareeyay iyadda oo labada dowladood ay qaadeen talaabooyin midba kan kale uu uga aargudanayo kuna jirto xayiraadyo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif oo kahor-yimid go'aanadii Shirka Gollaha Wadatashiga Qaran

Puntland ayaa sidoo kale diiday ka qeybgalka Shirka iyo natiijadii kasoo baxday, iyadoo eedeymo culus u jeedisay Madaxweyne Xasan Sheekh.

  • Soomaliya

    19-05-2024

  • 11:11AM

Dowladda Soomaaliya oo sheegatay dilka horjooge Al-Shabaab ah

Cabdulqaadir Xaaji Eenoow ayaa ku dhintay howlgal ciidamaddu ka sameeyeen gobolka Shabeellaha Hoose.

  • Soomaliya

    19-05-2024

  • 03:27AM