Farmaajo oo ka hadlay caqabadaha ay wajahayso dowladiisa

Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxwayne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta oo Axad ah waxa uu magaaladda caasimada ah uga qaybgalay shir ay isagu yimaadeen qaar kamida Culimada Soomaaliyeed.

Isaga oo ka hadlayay furitaanka kulankaasi ayuu kusoo bandhigay caqabadaha ay wajaheyso dowladdiisa oo laba sano jirsatay bishii Febuary ee lasoo dhaafay.

Caqabadaha ayuu hoosta ka xariiqay in ay isugu jiraan kuwa siyaasadeed, mid amni iyo faragelin dhanka caalamka uga imaaneysa.

Farmaajo ayaa weerar afka ah ku qaadey siyaasiyiinta iyo xubnaha ka aragtida duwan dowladda.

"Dhibaatooyinka na haysto waxaa kamida doqonimo siyaasadeed iyo in mucaaradka aysan garaneyn micnaha mucaarad iyo qaran dumis," ayuu xusay Farmaajo.

Isaga oo sii hadlaya ayuu si cad daaha uga rogay in ay jiraan siyaasiyiin maamulkiisa ku dacweeyay Beesha Caalamka, taasi oo si adag u dhaliilay.

Inkasta oo uusan magacaabin shaqsiyaad gaar ah, haddana waxa uu qiil uga dhigay in arrinkaasi dhacdo wadanka uu noqday "mid aanan awood lahayn oo daciif ah".

"Siyaasiyiinta qaar waxay dowlada ku dacweeyaan Beesha Caalamka … faragelinta shisheeyaha waxaa noo keentay inaga oo noqonay kuwa dafiic ah," ayuu Madaxweynaha hadalkiisa raaciyay.

Hadalkaan ayaa kusoo aadaya iyadda oo magaaladda Nairobi, ee xarunta dalka Kenya uu shir uga socdo qaar kamida madaxda maamulada iyo saaxiibada Soomaaliaya ee caalamka.

"Dal walba waxa uu eeganaa danihiisa gaarka ah … in uu saameyn dhaqaale iyo mid siyaasadeed uu kugu yeesho," ayuu daaha ka rogay madaxwaynaha.

Ugu dambeyntii, madaxwayne Farmaajo ayaa ugu baaqay Culimadda Soomaaliyeed in ay ka shaqeeyaan isu soo dhowaanshiyaha Al-Shabaab iyo dowladda.

"Caqabadaha na haysta waxaa kamida argagixisada AlShabaab … culimada door ayaan uga furnay in ay [wiilasheena ka celiyaan] iyo hadii aad isku deyi kartaan in aad isku soo dhaweysaan dowlada iyo iyaga," ayuu kusoo xiray.

Arrimahaan oo kusoo aadaya xili amniga caasimada uusan ku jirin gacanta dowladda, isla markaana mudada xileedka maamulka Farmaajo ay uga harsan tahay kaliya laba sano ayaa lagu macneeyay "is-daafic iyo olale horleh."

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo Digniin Adag usoo Diray Madaxweyne Xasan Sheekh 

Waxaa sidoo kale laga digay in taageerada beesha caalamka ay lunto haddii aan la muujin isbeddel dhab ah.

  • Soomaliya

    28-05-2025

  • 04:53PM

Sheekh Shariif si adag uga jawaabay eedeymaha dowladda u jeedisay Mucaaradka

Xiisadda siyaasadeed ee dalka ayaa sii xumaanaysa, iyadoo mudo-xileedka Madaxweyne Xasan Sheekh ka haray wax ka yar sanad.

  • Soomaliya

    28-05-2025

  • 11:20AM