Farmaajo oo Taliyeyaasha ciidanka ka dalbaday inay is-casilaan [Sababta]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku canaantay teliyeyaasha ciidamada fashilka amni ee Muqdisho, kadib kulan gaar ah oo uu kula qaatey Villa Somalia.

Farmaajo ayaa shir saacado qaatey xalat la yeeshay 4 Taliye ee ciidamada DF, Gudoomiyeyaasha degmooyinka gobolka Banaadir iyo saraakiil kale, kuwaasoo uu ka dalbaday inay xilalka iska-casilaan, hadii aysan waxba ka qaban karin amni xumada Caasimadda.

Madaxweynaha oo u muuqday mid aad uga caraysan amniga faraha ka baxay ee Muqdisho ayaa u sheegay mas'uuliyiinta kulanka ka qeybgashay in dilalka iyo qaraxyada joogtada ka noqday magaaladda ay yihiin kuwa aan loo dulqaadan karin.

Kulanka ayaa kusoo beegmaya xilli Todobaad kahor Muqdisho ay ka dhaceen afar qarax, oo saddex kamid ah hal habeen lagu weeraray xarumo ganacsi oo ku yaalla wadada Makka Al-Mukarrama, kuwaasoo ay ku dhinteen in ka badan 50 qof oo shacab ahaa.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in khasaaraha hantiyeed ee ka dhashay weerarkii Makka Al-Mukarrama lamid yahay midkii Zoobe, 14-kii October ee 2017, kadib markii ay burbureen dhismayaal badan oo huteello ay kamid yihiin.

Tan iyo markii la doortay Farmaajo Febuary 2017, waxaa Muqdisho ka dhacay weeraro qaraxyo ah, oo dad badan ay ku dhinteen, iyadoo lagu dilay magaaladda mas'uuliyiin badan iyo Xildhibaanno.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM