Farmaajo oo u dhoofay Mareykanka; ajendaha shirka uu ka qeybgalayo

Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Axada maanta ah u amba-baxay Maraykanka, si ay uga qeyb galaan mareetada 74-aad Golaha Guud ee Qaramada Midoobey.

Madaxweynaha, oo maalmo ku sugnaan doona dalkaasi, ayaa wuxuu kalmad ka jeedin doono madashan oo kulminaysa Hoggaamiyeyaasha wadamadda Caalamka.

Shirkan ayaa lagu sumaday "Dib-u- xoojinta dadaallada wada-jirka ah ee lagu dabar gooynayo saboolnimada, baahinta waxbrasho tayo leh iyo ka hortagga dhibaatooyinka isbaddelka cimilada".

"Wafdiga ayaa kulammo doceedyo lagu xoojinayo xiriirka iyo iskaashiga la qaadan doona dhiggooda dalalka Caalamka ee ka soo qeyb galaya shirweynaha Golaha Guud ee UN-ka," ayuu yiri xafiiska Farmaajo.

Ajandeyaasha ugu waaweyn ee Hoggaamiyeyaasha Caalamku ay kaga arrinsan doonaan Meertada 74-aad ee Golaha Qaramada Midoobey ayaa waxaa safka hore kaga jira arrimaha hoos ku xusan;

Xoojinta fursadaha shaqo iyo siyaasadeed ee dhallinyarada, xal u helista colaadaha iyo khilaafaadka caalamiga ah, kobcinta dhaqaalaha, ilaalinta xuquuqda aadanaha iyo mideynta dadaallada lagu wajahyo argagixisada.

Xoojinta fursadaha shaqo iyo siyaasadeed ee dhallinyarada, xal u helista colaadaha iyo khilaafaadka caalamiga ah, kobcinta dhaqaalaha, ilaalinta xuquuqda aadanaha iyo mideynta dadaallada lagu wajahyo argagixisada.

Madaxweynaha waxaa safarka ku weheliyey Wasiirka Maaliyadda, Cabdiraxmaan Ducaale Bayle iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Qaranka Dr. Nuur Diiriye Xirsi [Fuursade].

Socdaalkan ayaa wuxuu noqonaya safarkii koowaad oo uu madaxweyne Farmaajo ku tago Mareykanka isaga ah hogaamiyaha dalka dhaca Geeska qaaradda Afrika.

Farmaajo ayaa dhowaan dib isaga celiyay Baasaboorka Mareykanka, kaasi oo la aaminsan yahay in uu kamid ahaa sababihii ka hor-taagnaa in uu ka qeybgalo labadii kulan ee ugu dambeysay ee fadhiga guud ee Jamciyada Qurumaha Ka Dhaxeysa.

Ra'iisul Wasaarihiisa, Xasan Cali Khayre, ayaa dalka ku metalay labadii sano ee u dambeysay, wuxuuna ka jeediyay khudbad uu kaga hadlay xaaladda dalka, dagaalka AlShabaab iyo la dagaalanka musuqmaasuqa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hoggaamiyeyaasha Gobolka oo Kampala uga Shiraya Mustaqbalka Hawlgalka AUSSOM iyo Amniga Soomaaliya

Sida ay sheegtay Wasaaradda Gaashaandhigga Uganda, ajandaha shirka waxaa ka mid ah qiimeynta horumarka laga sameeyay xasilinta Soomaaliya.

  • Soomaliya

    29-07-2026

  • 07:10PM

Wafdi ka socda Kongareeska iyo Militariga Mareykanka oo gaaray Kismaayo ka hor shirka Uganda

Wafdiga ayaa la filayaa in natiijada wadatashiyadan ay qayb ka noqoto diyaar-garowga shirka Uganda.

  • Soomaliya

    29-07-2026

  • 08:06AM