Farmaajo oo u dhoofay Sacuudiga oo uu kaga qeybgalayo shir madaxeed

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa magaalada barakaysan ee Makka kaga qeyb gali doona Shir Madaxeedka Ururka Iskaashiga Islaamka (IOC).

Meertada 14-aad ee Shir Madaxeedka Ururka Iskaashiga Islaamka oo lagu marti qaaday hoggaamiyeyaasha 57-dal ee ku bahoobay ururkan ayaa waxaa lagaga arrinsanayaa la dagaallanka argagixisada iyo fikirka gurracan ee xagjirnimada, qadiyadda Falastiin iyo dhibaatooyinka cunsuriyadeed ee ka dhanka ah Muslimiinta.

Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Warbaahinta Madaxtooyada Soomaaliya Mudane Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa sheegay muhiimadda uu dalkeenna u leeyahay shirkani maadaama Ururka Iskaashiga Islaamka ay muddadii u dambaysay tallaabooyin wanaagsan u soo qaadeen dhanka dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa isla Magaaladda barakeysan ee Makka kaga qeyb gali doono maalinta barri ah Shir Madaxeed aan caadi ahayn oo ay isugu imaanayaan Madaxda Dalalka Jaamacadda Carabta, kaas oo lagaga wada hadlayo xaaladaha ugu danbeeyey ee Dalalkaas, danaha wada jirka ah ee ka dhaxeeya iyo sidii loogu midoobi lahaa dhibaatooyinka iyo caqabadaha ku xeeran dowladaha iyo shucuubta Carbeed.

Wafdiga Madaxweynaha ee u amba-baxay magaalada barakaysan ee Makka waxaa hordhac usii ahaa diblumaasiyiin Soomaaliyeed oo uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Danjire Axmed Ciise Cawad oo la qaabeeyey ajandeyaasha shirarkan Wasiirrada dhiggiisa ah ee dalalka ku mideysan Jaamacadda Carabta iyo kuwa Ururka Iskaashiga Islaamka.

Socdaalkan ayaa wuxuu imaanayaa iyadda oo maalin kahor uu kasoo laabtay wadanka Koonfur Afrika, halkaasi oo uu uga qeybgalay scaleemo-saarka madaxweynaha cusub ee wadankaasi.

Villa Somalia

Related Articles

Farmaajo: Xasan Sheekh waa inuu maalmaha u haray ku dhawaaqaa nidaam doorasho oo loo dhan yahay

Farmaajo ayaa maamulka hadda jira ku eedeeyay inuu ku xadgudbayo xorriyadaha dastuuriga ah iyo xorriyadda hadalka.

  • Soomaliya

    08-05-2026

  • 07:51PM

Dowladda Soomaaliya oo War Cusub kasoo Saartay Kiiska Sacdiya Bajaaj ee Muqdisho Lagu Xiray

Dhanka kale, hay’adda Amnesty International ayaa hore ugu baaqday dowladda Soomaaliya in si shuruud la’aan ah loo sii daayo Sacdiya.

  • Soomaliya

    07-05-2026

  • 08:13PM