Farmaajo: Wada hadaladii badda ee Kenyatta ma noqon mirro dhal

Image

NEW YORK, US – Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa xaqiijiyey in shirkii uu New York todobaadkan kula yeeshay dhigiisa Kenya, Uhuru Kenyatta lagu soo qaadey kiiska badda.

Shirkaas oo wafuud labadda dhinac ka socotay kasoo muuqatay ayaa waxaa soo qaban-qaabiyey madaxweynaha Masar, Cabdel Fataax Al Siisi.

Al Siisi, oo sidoo kale ah gudoomiyaha ururka Midowga Afrika, ayaa waxa uu labada dhinac uga mahad-celiyey in ay ka aqbaleen soo jeedintiisa.

Isaga oo ka hadlayey shirka loo dhan yahay ee Jamciyadda Qurumaha Ka Dhaxeysa, Farmaajo ayaa si cad shaaca uga qaadey in wada hadaladii ay ka galeen arrina badda ay noqdeen "kuwa aanan miro dhal ahayn".

"Waxaan isku raacnay in aan dib u soo celino xiriirkeena diblumaasiyadeed," ayuu raaciyey Farmaajo. Guddi labada dhinac ka socda ayaa loo saarey howshan oo aanan saameyn ku lahayn qadiyadda badda.

Hogaamiyaha dalka dhaca Geeska Afrika oo ku adkeystay in Maxkamadda Cadaaladda Aduunka ay xalin doonto kiiskan ayaa tibaaxay in Soomaaliya ay hogaan-sami doonto go’aan walba oo ay xeer-beegtada UN go’aamiso.

"ICJ, oo ah unuga ugu weyn ee cadaaladda Qaramadda Midoobay, waxay leedahay xasaanad ay ku xalin karto. Waxaana Soomaaliya ay dooneysaa in ay iyadda xaliso," ayuu Farmaajo ku sheegay nuqul kamid ah hadal-jeedintiisa.

Maalin kahor, isaga oo fadhigan ka hadlayey, madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta, ayaa hoosta ka xariiqay in dalkiisa uu doonayo in gal-dacwadeedkan taagan tan iyo bishii August ee 2014-kii lagu dhameeyo wada hadal.

Dood sharciyeedkan ayaa ku saabsan goob badkeedu yahay 100 KM isku wareeg ah oo ku taala xuduud badeedka labadda dal, halkaasi oo hodan ku ah noocyo kamid ah kheyraadka dabiiciga ah sida Gaaska iyo Shidaalka naqaska ah.

Maxkamadda Cadaaladda Aduunka ayaa dhageysiga ugu dambeeya ee kiiskan bilaabi doonta 4-ta bisha November, waxaana uu ku eg-yahay 8-da; kadibna waxaa soo bixi doona go’aanka ugu dambeeya ee galkan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM