Farmajo oo labo arrimood dartood Taleefon ugu diray Uhuru Kenyatta

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxwaynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Maxamed [Farmaajo] ayaa qadka Telafoonka kula xiriiray dhigiisa Kenya, Uhuru Kenyatta, sida ay shaacisay warbaahinta ku hadasha afka dowladda.

Sida laga soo xigtay wakaalada wararka u faafisa Villa Soomaaliya, labadda hogaamiye ayaa isla qaadeen arrimo ku xeeran dhinacyadda, amniga, siyaasada, dhaqaalaha, heshiisyo hore iyo qodobo kale.

Farmaajo ayaa ka dalbaday Kenyatta inay dowladdiisu ufududeyso Shacabka Soomaaliyeed usu socodka labada dal, gaar ahaan dhinacyadda dhulka iyo dulimaad, oo ay Soomaalidu dhibaato ku qabto.

Sidaasi si lamid ah, madaxwaynaha Soomaaliya ayaa soo jeediyay inta uu telafoonka kula hadlayey dhigiisa Kenya in la fuliyo qodobadii ay labada masuul kala saxiixdeen socdaalkiisii ugu dambeeyay ee Nairobi.

"Labada Madaxweynaha ayaa isku afgartay in lasii adkeeyo xiriirka diblomaasiyadeed, isdhexgalka dhaqaale iyo midka bulsho ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya," ayuu yiri Agaasimaha Warfaafinta Villa Soomaaliya, Cabdinuur Maxamed Aadan.

Warbaahinta dowladda iyo Cabdinuur, toona, ma aysan soo qaadin jawaabaha uu Uhuru Kenyatta siiyey Madaxwaynaha dalka mudadii ay telafoonka kuwada hadleen labadda hogaamiye.

Balse, xog hoose oo Warsidaha Garowe Online helay ayaa sheegaysa in ay Farmaajo iyo Uhuru ka wada hadleen fududeynta isu socodka dadka iyo badeecadaha iyadoo la dhiirrigelinayo ganacsiga xorta ah iyo suuq furan oo ka dhaxeeya labada dal.

Kenya ayaa kamid ah dalalka ciidamadu ka joogaan Soomaaliya, kuwaasoo qayb ka ah AMISOM, waxaana ciidamada KFD-ta lagu eedeeyay in degaanada ay dalka ka joogaan ay ka geysteen tacadiyo ka dhan ah shacabka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM