Muqdisho oo laga diiwaan-geliyey 500 meyd ah 12 maalin gudaheeda
MUQDISHO, Soomaaliya – Muddo 12 maalmood gudaheeda, waxaa magaaladda Muqdisho laga diiwaan-geliyey oo 500 meyd ah, sidda uu xalay ka dhawaajiyey Cumar Maxamuud Maxamed [Cumar Filish].
Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho ayaa hadalkaas ka sheegay munaasabad wacyi-gelin ah oo xalay ka dhacday xarunta dowladda hoose Xamar, taas oo mas'uuliyiin ay ka qeybgaleen.
Markii ay xoogeysteen wararka la xiriira in ay bada tahay tirada dadka dhintay, Filish iyo maamulkiisa ayaa loo xil-saarey tirakoobka dadka magaalada ku geeriyooday, maalmihii lasoo dhaafay.
"Baaritaano aan sameynay laga bilaabo 19-kii April, waxaan ogaanay in Muqdisho ay tobban maalmood gudaheeda ku dhinteen 500 ruux; maalintii ugu badneyd waxay ahayd 43, maalintii ugu yareydna waa 22," ayuu yiri, isagoo aan kala caddeyn hadii ay la xiriiraan Covid-19.
Todobaadkii hore ayay ahayd markii Qabri-qodayaasha Muqdisho ay qireen in ay maalintii aasaan 30 illaa iyo 40 ruux isla markaana ay tahay tani koror aysan horey u arag oo loo aaneeyay cudurka Covid-19.
Madaxtooyadda Soomaaliya oo saadaalin sameysay ayaa warbixin ay soo saartay daaha kaga feeday in haddii 70 qof ay maalintii ku dhimato Muqdisho ay ka dhalatay caabuqaan safmareenka ah.
Wasiirka Warfaafinta, Maxamed Cabdi Xayir, ayaa ku adkeystay in xukuumadda qof kasta oo inta xaaladan lagu jiro ku dhinta dalka ay u aqoonsan tahay in uu galaaftay xanuunkaas dilaaga ah.
Wasaaradda Caafimaadka federaalka ayaa xaqiijisay 28 dhimasho ah oo caabuqa sida fudud u faafa uu ka sababay guud ahaan waddanka.
Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa lagu dhaleeceeyay in ay ka gaabisay badbaadinta nolosha dadka ku nool caasimadda, kuwaas oo dhankooda lagu dhaliilay in aysan ku dhaqmin talooyinka caafimaad.
GAROWE ONLINE