Fiqi oo Farmajo u sheegay halka uu Mooshinka isaga difaaci karo [Daawo]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Xilldhibaan Axmed Maclin Fiqi, oo kamid ah Gollaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa u sheegay Madaxwayne Farmaajo in Mooshinka laga keenay uu isaga difaaci karo Gollaha hortiisa.

Fiqi oo ka hadlayay munaasabad lagu soo dhaweynayay Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa uga digay Madaxweynaha iyo Kooxdiisa inay ku dhaqaaqaan falal khal-khal iyo qalalaase abuuraya.

Xildhibaanka oo sii hadlaya ayaa weerar afka ah ku qaaday taageerayaaha Xukuumadda, kuwaasi oo saacadihii lasoo dhaafay baraha bulshadda ka wadey olale xoogan oo lagu taageerayo Madaxwaynaha sidoo kalena lagu cambaareynayo Mooshinka.

“Looma baahna wiilal lacag qaatay oo qaaqlayaal ah…Madaxwaynaha waa inuu nafsadiisa ku difaacaa sharciga hortiisa,” ayuu Xilldhibaanka ka sheegay munsaabada, oo ay kala qeyb-galeen Xildhibaanno kale oo kuwa mucaaradka ah.

Fiqi oo gudoomiye u ah xisbiga Daljir, ayaa qirtay inuu kamid yahay mudanayaasha Mooshinka saxiixay ayaa ku qeexay sababta ay u keeneen markii “ay u dulqaadan waayeen qaladaad fara badan oo uu Madaxwynuhu galay”.

“Marka ay heerkaan taagan tahay lama noco Madaxwaynaha…Inaga waxaan ku dhahnay masii wadi kartid ee labada sano ee soo socoto aan doorano dadka shaqadaan wadi kara,” ayuu hadalkiisa ku daray.

Gabagabadii, Xilldhibaan Fiqi ayaa ku eedeeyay dowladda inay dadkii ka qaybgalay dibad-baxii shalay ka dhacay Muqdisho ee lagu taageerayay Farmaajo, lasoo qas-bay, islamarkaana ay qaarkood “la xanuunsadeen Gaajo awgeed” maadaamo mudo saacado ah wadooyinka lagu hayay.

Sideed bilood kahor ayay ahayd markii Soomaaliya ay soo martay khal-khal siyaasadeed oo ka dhex-qarxay Gollaha Shacabka, taasi ka dambeysay mooshinkii laga keenay Jawaari, oo ugu dambeyn Gudoomiyaha ku qasbay inuu Is-casilo.

Mooshinka cusub ee laga keenay Farmaajo oo saxiixay 92 mudane, oo ka dhigan meel kamid ah saddex meelood xubnaha Gollaha Shacabka, oo ka kooban 275, waxaa ku kala qeybsamay gudoonka Gollaha, oo labada ku xigeen ay kahor yimaadeen Mursal.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM