Fiqi oo u sacabo-tumay banaanbaxa Midowga Musharaxiinta

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka amniga Galmudug, Axmed Macalin Fiqi, ayaa taageero u muujiyey banaanbaxa Midowga Musharaxiinta u muddeeyeen maalinta Jimcaha in ay ku qabanayaan fagaaraha Daljirka Daahsoon ee magaaladda Muqdisho.

Fiqi oo Talaadada maanta ah qoraal soo dhigay bartiisa gaarka ah ee Facebook ayaa daaha ka rogay in musharaxiinta xaq u leeyihiin ay abaabulaan isu-soo-bax.

"Musharixiinta madaxtinimada dalku maalin kasta waa banaan baxaan, maxaa ku jaban in xeerada la weyneeyo oo taageerayashooduna ay kala soo qeybgalaan ayagoo si amni ah ku qabsanaya?!.!," ayuu yiri.

Wuxuu ku daray: "Sidoo kale waxaa banaan-baxyo aan tiro lahayn qabsada madaxweynaha iyo taageerayaashiisa ayadoo halkudhigyo, fanaanado sawiradiisu ay ku daabacan yihiin xiran, calanka dalka iyo kan Gobolka Banaadirna ay Daljirka Dahsoon ku xardhan yihiin?!".

"Intaas waxaa sii dheer in dastuurka dalku uu fasaxayo in banaanbaxyo nabadgalyo ah muwaadiniintu ay qabsan karaan!," ayuu tibaaxay.

Isaga oo sii hadlaya ayuu xusay: "Maalin walba ciid maahan, madaxtooyaduna meel lagu sii waarayo ma ahan sida cid walbaba ay ogsoon tahay, berito Marka banaanka la tago xuquuqda maanta aad diido adna ma helaysid, Marka inta ay le’eg tahay xorriyadda iyo xuquuqda muwaadinka ee aad bixiso maantay ayaa noqonaya keydka aad akoonkaada gashato, musharixiinta maantay dalbanaya banaanbaxana berito waxaa u taalla in aysan isku dayin diidmo xuquuqda ay u bukaan waqtigan la joogo ama ay dalbanayaan".

Wuxuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay: "Dabacsanaantaada maantay waa Keydkaada berito".

Isu-soo-baxa ayaa lagu dalbanayaan in madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaadey Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu xafiiska baneeyo dalkana u dareeriyo doorashooyin la isla ogol-yahay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM