Fiqi: Sharci darada Farmaajo ugu jiro Villa Somalia ayaa ah bililiqo

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka amniga maamulka Galmudug, Axmed Macalin Fiqi, ayaa si adag wuxuu ugu jawaabay wasiirka amniga xukuumadda xilgaarsiinta Xasan Xundubey Jimcaale.

Fiqi oo qoraal ku daabacay bartiisa gaarka ah ee Facebook ayaa sheegay in dhawaqa Xundubey uu baalmarsan yahay baaqii nabadeed ee Ra'iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Sida laga soo xigtay Fiqi, hadalka Xundubey wuxuu la macno ah yahay inuu iclaamiyey dagaal, waxaana uu banaanka soo dhigayaa "in is-burin ay ka dhex-jirto xukuumadda waqtiga ka dhacay".

"Mar kasta ee uu RW Rooble hadlo waxaa hadalkiisa mid khilaafsan ka daba dhaha wasiirkiisa amniga Xundubey. Shalay Rooble wuxuu ku dhawaaqay xabbad joojin, maantana Xundubey wuxuu iclaamiyey dagaal. Waa yaabe sidee loo kala sareeyaa xukuumadan!?," ayuu yiri yiri.

Wuxuu ku daray: "Saaxiibkay Xundubay wax baa la bililiqeystay ayaa ahayd xujadiisa ugu weyn ee uu dagaalka ku xalaalsanayo, laakin miyuusan ogeyn bililiqo ka weyn kursigii dalka looga talinayey oo Xoog lagu heysto in aysan jirin".

"Asagoo kursi bililiqo ah difaacaya inuu cid kale ku eedeeyo wax bay bililiqeysatay ma ahayn, bililiqada kaliya ee dagaal in lagu qaado mudan waa midda ka jirta Villa Soomaaliya," ayuu kusoo gabagabeeyay.

Rooble ayaa shalay wuxuu dalbadey xabad-joojin iyo shir deg-deg ah oo looga arrin-sanayo xaaladda amni ee waddanka, hasa ahaatee, waxaa waanwaantaas ka hor-yimid mucaaradka.

Ra'iisul Wasaaraha xilgaarsiinta ayaa loo arkaa mid aanan gaarin karin qaraare waaweyn oo ku saabsan marxalada uu haatan ku jiro waddanka taasoo lumisay kalsoonida ku qabi karaan mucaaradka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dib u eegista qorshaha howlgelinta Nidaamka Aqoonsiga oo bilaabatay

Kulanka oo hal maalin ah ayaa lagu wadaa in lagu falanqeeyo Dib u eegista qorshaha howlgelinta Nidaamka Aqoonsiga (SNID).

  • Soomaliya

    08-05-2024

  • 08:35AM

Soomaaliya iyo Sweden oo gaarey is-afgarad dhanka Hantidhowrka ah

Heshiiska oo soconaya muddo 5 sano ah ayaa ujeedkiisu yahay wada shaqaynta u dhaxayneysa labada Xafiis.

  • Soomaliya

    08-05-2024

  • 04:35AM