Francisco Madeira: Diinta Islaamka waa mid wanaagsan oo nabad ah

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxa howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa wuxuu aad u ammaanay Diinta suuban ee Islaamka, isaga oo ku eedeeyay Al-Shabaab in ay "marin-habaabineyso".

Francisco Madeira oo u muuqda mid difaacaya in ciidamo shisheeye loosoo daabulay Soomaaliya si ay uga adkaadan dagaalameyaashan xiriirka la leh Al-Qaacida ayaa ku tilmaamay mid dharbaaxo ku ah.

"Al-Shabaab waxay adeegsadan xeelado dagaal oo jabhadeyn ah si ay u gaaran hadafkooda balse ma hor-imaan karaa ciidamada. Waxay isku haleeyaan gaadmo iyo is-qarin," ayuu yiri Madeira.

Wallow ciidamadda AMISOM ay guulo ay kamid tahay xorreynta magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho ay gaareen, haddana waxaa lagu dhaleeceeyaa in aysan gacanta ku dhigo dalka oo dil.

"Argagixisada waxay dooneysaa awood siyaasadeed, iyaga oo adeegsanaya Islaam, oo ah Diin wanaagsan oo nabad ah," ayuu hadalkiisa ku daray Madeira oo wareysi siiyay The Star-Kenya.

Madeira, diblumaasi 65-sano jir ah una dhashay Mozambique, dal dhaca bariga qaaradda Afrika, ayaa sidoo kale wuxuu yahay ergayga gaarka ah Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya.

"Ciidamadda Kenya oo wajahaya cadow waxay ku socdaan waddo guul ah," ayuu xusay, isaga oo aanan waxba laga waydiinin tacadiyadda joogtada ah oo ay u geystaan shacabka Soomaaliyeed.

Xoogaga AMISOM oo gudaha Soomaaliya ka howlgalaya in ka badan tobban sano ayaa waxaa dalalka ciidamadda lugta ah ku taageeray ay kala yihiin; Jabuuti, Burundi, Uganda, Itoobiya iyo Kenya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM