Fursada ay DF lumisay ee looga baaqsan karay daadadka Beledwayne

Image

ROMA, Italy – Talyaaniga ayaa wuxuu dib ula noqdey dhaqaale gaaraa 6 milyan oo Dollar ah oo loogu talagaley in lagu dhiso biyo xireen laga hirgaliyo magaaladda Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Sidda laga soo xigtay wargeyska La República, Roma ayaa coksatay in muddo sannad ah aysan ka jawaabin ka helin dowladda federaalka oo ay ka sugeysay naqshadda mashruuca.

Jaraa'idka ayaa saraakiil ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda Italy kasoo xigtay "in aysan jirin" fursad kale oo ay ku bixinayaan, wallow "ay eegayaan hadii araajo kale ay u timaado".

Inkasta oo dhismaha biyo xireenka qaadan lahaa laba sano, haddana waxaa la rumeysan yahay in ay tahay fursad dahabi ah oo ay seegtay xukuumada fadhigeedu yahay Muqdisho.

Marka laga soo tago qormadda joornaalka, ma jiro war rasmi ah oo illaa iyo haatan kasoo baxay dhinaca dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Beledwayne ayaa dhowaan wehel u noqotay fatahaadyo ka dhashay markii uu qararka jebsaday Webiga Shabelle, taasoo ay ku naf-waayeen tobanaan, kuna barakaceen boqolaal.

Falcelinta dowladda

Saciid Xuseen Ciid, wasiirka beeraha Soomaaliya, oo ka falceliyey warbixinta wargeyska, ayaa beeniyey in Talyaaniga mashruuca la noqday, wuxuuna xusay in dhowaan la saxiixayo.

"Talyaaniga mabda' ahaan in uu lacagta bixiyo ayuu ogolaadey. Waxay shuruud ka dhigeen in la keeno mashruuca oo dhameystiran. Waana loo diray, dhowaana waa la saxiixayaan".

Sidda laga soo xigtay Ciid oo u waramay VOA-da, shuruudaha waxaa qayb ka ahaa in dowladdu caddeyso shirkadda fulineysa mashruuca, naqshadda iyo qaabka loo maamulayo.

Maxamed Cabdi Waare, madaxweynaha HirShabelle, oo xusay in dalabka mashruuca ay gudbiyeen 2018-kii, ayaa "mala'awaal iyo kutra-kuteen" ku qeexay wararka baaqashada.

"Deeq bixiyeyaasha qaabka ay lacagta u bixinayaan iyaga oo go’aan ka gaaraya. Balse, waxaan sheegayaa in mashruucu halkiisii yahay dhowaana la saxiixi doono," ayuu ku adkeystay wasiirka.

Waare iyo Wasiir Ciid ayaa meesha ka saarey in fulinta mashruucan uu ka hortagi lahaa fatahaadihii u dambeeyay, iyaga oo cok-saday mudda uu qaadanayo oo aad u dheer awadeed.

Beledwayne, magaalo dhacda bartamaha Soomaaliya ayna kusoo laab-laabteen fatahaadaha, ayaa la sheegayaa in ay ka hooseyso Webbiga, taas ayna tahay sababta ay daadadka ugu soo rogmadaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Seychelles oo bilaabaysa maxkamadeynta burcad-badeed Soomaali ah

Raggan ayaa loo haystaa weerar lagu qaaday markabka Chrystal Arctic oo sitay calanka Jaziirada Marshall.

  • Soomaliya

    18-05-2024

  • 03:42AM

War-murtiyeed laga soo saarey shirka Golaha Wadatashiga Qaranka

Shirka 9-aad ee Golaha Wadatashiga Qaran ayaa kusoo dhamaadey magaaladda Muqdisho.

  • Soomaliya

    17-05-2024

  • 04:03PM