Gaadiid walxo qarxa lagu soo xiray oo lagu fashiliyey duleedka Kismaayo

Image

KISMAAYO, Jubaland – Ugu yaraan laba gaari oo xamuul ah kuwaasoo walxo qarxa lagu soo rakibay ayaa lagu fashiliyey duleedka caasimada ku meel gaarka Jubaland ee Kismaayo, sidda ay sheegeen saraakiisha.

Xasan Aadan Maxamed Ciraaqi, taliyaha kumaandooska Soomaaliya ee Jubaland, ayaa gaadiidka ay qaxiyeen ku sheegay nooca loo yaqaano UD-da.

Isagoo hadalkiisa sii wata, taliye Ciraaqi ayaa wuxuu shaaca ka qaadey in tani ay ka dambeysay kadib howlgalo qorsheysan oo ay sameeyeen.

Sidda uu daboolka ka qaadey taliyaha, howlgalada ayaa waxay ka dhaceen degaanada Buula gaduud, Baar-sanguuni Buula Xaaji iyo Lafta Caanoole.

"Howlgaladan aan fulinay 24-kii saac ee lasoo dhaafay waxay ahaayeen kuwa qorsheysan, waxaana ay kusoo dhamaadeen si guul ah, cadowgana oo qorsheyaal waday waa lagu kala ceyriyey," ayuu raaciyey.

Dagaalameyaal ka tirsan xoogaga gacansaarka la leh Al-Qaacida ayuu hoosta ka xariiqay in ay ku dileen howlgalka, wallow uusan carabaabin tiradda guud iyo waxyeeladda dhankooda soo gaartey.

Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ayaa todobaadkii hore faray ciidamada Jubaland in ay qaadaan howlgalo saf-balaaran oo lagu xoreynayo degaanada ka maqan ee Jubooyinka, halkaasoo Shabaab ay maamulaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM