Gaari lagu xiray Qarixii ugu weynaa oo Al-Shabaab diyaariso oo la qabtey

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay in ciidamada Militeriga dowladda ay kahor tageen qarax weyn oo Al-Shabaab ku diyaarinaysay duleedka Muqdisho.

Ciidamada ayaa la sheegay inay ku qabteen degaanka Sabiid Gaari nooca booyadda ah oo Al-Shabaab u diyaarisay inay ku fuliso Qarixii ugu weynaa abid oo ay ka fuliso dalka Soomaaliya kadib howlgal ay sameeyeen.

Qoraal lasoo dhigy barta Twitter-ka Wasaaradda Warfaafinta ayaa lagu shaaciyay in ciidamada ay markii la wareegeen degaanka kadib ay u suurta-gashay inay gacanta ku dhigeen Gaariga booyad ah ee walxaha qarxa lagu xiray iyo raggii diyaarinayay.

Tuuladda Sabiid oo qiyaastii 40-KM dhanka koonfur Galbeed uga beegan Muqdisho ayaa waxaa la wareegay shalay ciidamada dowladda Soomaaliya kadib dagaal mudo kooban qaatey oo ay la galeen Al-Shabaab.

Howlgalka looga hortagey qaraxa ayaa dhacay maalintii shalay, 1-da April ee 2019, waxaana jirin war war ah oo kasoo baxay dhinac Al-Shabaab oo ku aadan qaraxa laga fashiliyay.

Kooxda Al-Shabaab ayaa lagu eedeeyay inay ka dambeysay qaraxii Zoobe, 14-kii October ee 2017 kaasoo noqday midkii ugu khasaaraha badnaa oo ka dhaca dalka, iyadoo ay ku dhinteen ku dhawaad 1,000 ruux oo shacab ahaa.

Al-Shabaab oo tan iyo 2008 dagaal kula jirtay dowladihii ugu dambeeyay ee soo maraya dalka iyo mida hadda jirta ayaa la rumeysan yahay inay qaraxayada Muqdisho ka fuliso ay kusoo diyaariso gobollada caasimadda ku dhaw [Labada Shabeelle].

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif oo Dowladda ku Eedeeyay Caburinta Saxaafadda

Xorriyadda hadalka iyo madaxbannaanida warbaahinta waa tiirar muhiim u ah dowlad kasta oo sharciyad leh.

  • Soomaliya

    24-05-2025

  • 03:01PM

CC Shakuur: Qofkii Talada dalka la ordo waa laga dhigayaa, hana xigo ama yuusan na xigin

"Qof kasta oo la ordo talada dalka waa laga dhigayaa, ha ahaado mid na xiga ama mid aan na xigin," ayuu yiri C/raxmaan Cabdishakuur Warsame.

  • Soomaliya

    24-05-2025

  • 09:43AM