Gabar Arday ah oo jirtay 9 sano oo lagu dilay Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Is-rasaaseyn ka dhacay maanta oo Talaado ah Muqdisho ayaa galaafatay nolosha Deeqa Daahir Cali oo ahayd Arday 9 jir ah, katirsanayd Iskuulka Hoyga Xamar ama Xamar Boarding School.

Deeqa ayaa la socotay gaari Bus ah, oo arday kasoo qaadey Iskuulka oo garabka ku haya dhismaha Safaaradda Qadar, oo ku taalla wadada isku xirta KM4 iyo Tarabuunka, gaar ahaan nawaaxiga jidka Cabdiqaasim.

Labo ciidan, oo mid ilaalo ah ah Jeneraal katirsan Militeriga dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, oo lagu magacaabo Sheegow Axmed Cali, kuwaasoo isku rasaaseeyay Isgoska Digfeer ee degmada Hodon, sida ay sheegeen goobjooge-yaal.

Darawalka gaariga ay la socdeen ardayda kale ayaa sheegay in iyagoo kasoo baxay Iskuulka ay la kulmeen wadada Isgoyska Digfeer oo mashquul ah, halkaasoo oo ay ku murmeen ciidamada ilaalada u ah Jeneraal Sheegow iyo kuwa meesha ku sugnaa.

Muranka intii uu socday, Askari kamid ah kuwa uu watay Jen. Sheegow ayaa la sheegay inuu rasaas ku furay Bus-ka Ardayda, taasoo kaga dhacday qeybta dambe, iyadoo dishay Deeqa sidoo kalena dhaawac u geysatay 13 kale oo la dhigay Isbitaal.

Askariga falkan arxan darada geystay iyo Jeneraalkii uu ilaalada u ahaa ayaa goobta isaga dhaqaaqay iyagoo aan wax dareen ah siinin caruurta rasaasta gudaha gaarigooda dhimashada iyo dhaawaca ku gaarsiisay.

Maamulka Iskuulka iyo waalidinta ayaa aad u cambaareeyay falkan lagu rasaaseeyay Ardayda, waxaana ay dowladda Federaalka ka dalbadeen in lasoo xiro Askariga, kadibna cadaaladda la horkeeno.

Dhacdan ayaa muujinaysa khatarta ay wajahayaan ardayda wax ka barata Muqdisho, oo gaadiidkooda mararka qaar kula kulma wadooyinka Is-rasaaseyn ciidamada dowladda u dhaxeysa iyo qaraxyo meel lagu weeraray.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo Su’aal ka Keenay Xilliga ay Mucaaradku u Muddeeyeen Dibadbaxyada Muqdisho

Madaxweynaha ayaa ugu baaqay siyaasiyiinta mucaaradka inay la yimaadaan barnaamijyo siyaasadeed oo dhaxalgal ah.

  • Soomaliya

    10-05-2026

  • 07:39PM

Farmaajo oo Dowladda ku Eedeeyay Caburin Bannaanbax, Kana Digay Xadgudub Dastuuri ah

Farmaajo ayaa sheegay in bannaanbaxyadu yihiin muujin nabadeed oo shacabka ay ku cabbirayaan cabashooyinkooda la xiriira maamulka iyo hoggaanka dalka.

  • Soomaliya

    10-05-2026

  • 06:25AM