Gadoodka xubnaha Puntland ee BF oo laga digay in leyska indha-tiro

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Muuse Suudi Yalaxow, Senator ka tirsan Aqalka Sare ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya, ayaa ka digay in leyska indha tiro diidmada xubnaha Puntland ee fadhiyadda golahaas.

Mudaneyaasha Puntland ku metela Senate-ka ayaanan ka qeybgeli shirarkii u dambeeyay, waxaana sababta ay ku sheegeen in la ansixiyey sharciyo aan laga talagalin maamulada lana diidey in la hakiyo.

Shuruucdaas waxaa kamid ah Batroolka, Kheyraadka iyo Duulista Rayidka oo ay ku jiraan qodobo khatar ah oo u baadan heshiis.

"Puntland hadda shirkaan waa ka baxdey. Hal qof kama joogto. Waxay uga baxeen cadaalo daro ay sheeganayaan, waxaas oo dhan wax layska indha-tiri karo ma ahan, waxayna tageen shaqada xumada meeshaan [Aqalka Sarre] ka socota," ayuu Muuse yiri Axadii.

"Canaad"

Dhanka kale, Senator-ka ayaa sheegay in Wasaaradda Gaadiidka Soomaaliya aysan si siman u qeybin deeqaha laga helo caalamka. Arrintaas wuxuu si gaar ah ugu eedeeyay Cabdullaahi Salaad Oomaar.

"Wasaaradda wax u hagaagsan malahan. Gaadiidka dhulka fiirsha [burburka waddooyinka iyo xakameyn la'aanta gawaarida]. Wasiirka waa ka daryey mooyee wax fiican ka keenin," ayuu ku adkeystay.

Wuxuu ku raaciyey: "Wax laga faa'iidey oo aan khasaaro ahayn ma jirto [xukuumadda Nabad iyo Nolol]".

Hay'adda Duulista Rayidka ayuu xusay in aysan madax banaaneyn isla markaana madaxda fadhisa Villa Soomaaliya u adeegsadaan dano siyaasadeed gaar ahaan dhinacyadda ka aragtida duwan.

Ugu dambeyntii, wasiir Oomaar ayuu ku waaniyey in uu wax badan ka bedelo siyaasadda wasaaradiisa ee ku wajahan Hay'adda.

"Wasiir waxba kuuma hagaagsana, howsha in aan kula socod siino ayaan rabnaa. Hay'addaan dabadda looga dhegan yahay waxaan rabnaa in aad wax ka bedesho," ayuu Muuse Suudi hadalkiisa kusoo gabagabeeyay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Ku dhawaad 50% Saraakiisha dowladda Soomaaliya oo qaatay baasaboor ama kaarka aqoonsiga Kenya

Ilaa hadda ma jiro xaqiijin rasmi ah oo ka soo baxday dowladda Soomaaliya ama dowladda Kenya oo ku saabsan eedeymahan.

  • Soomaliya

    28-07-2026

  • 10:33AM

Beesha caalamka oo dowladda Soomaaliya u qabatay illaa August in heshiis laga gaaro khilaafka doorashadda

Sida ay sheegeen ilo xog-ogaal ah, farriintan ayaa markii hore loo gudbiyay mas’uul sare oo ka tirsan Madaxtooyada Soomaaliya.

  • Soomaliya

    28-07-2026

  • 06:56AM