Galmudug iyo HirShabelle oo qaadacay ku darsiga Farmaajo

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Maamulada Galmudug iyo HirShabelle ayaa si cad waxay uga hor-yimaadaan nooc kasta oo muddo kororsi ah oo loo sameeyo maamulka muddo xileedkiisu dhacay ee Farmaajo.

War qoraal ah oo kasoo baxay labada dowlad goboleedyo ayaa lagu sheegay in ay ku baaqayaan qabashadda doorashooyin iyo dib-u-bilaabida wadahadalo ku saleysan heshiiska 17-kii September.

Talaabadan ayaa dharbaaxo aad u kulul waxay ku tahay taliska Farmaajo kaasoo si weyn gacansaar ula lahaa labadan dowlad goboleed isla markaana go'aanadooda saameyn ballaaran ku lahaa.

Go'aanada ay labadan maamul ku mucaaradeen ku darsiga uu laba todobaad kahor meelmariyey Golaha Shacabka baarlamaanka federaalka ayaa yimid maalmo kadib dagaal ka dhacay Muqdisho.

Dagaalkaas ayaa u dhaxeeyay ciidamo kawada tirsan dowladda federaalka ah balse u kala jabay mucaaradka iyo muxaafidka. Kala qeybsanaanta ciidamada waxaa laga digay in Al-Shabaab ka macaashto.

Wakiilada Beesha Caalamka ayaa si ku celcelis ah waxay uga hor-yimaadaan rabshadaha ay martigelisay caasimada Muqdisho, waxaana ay cod dheer ku dalbadeen in dib loo bilaabo wadaxaajoodyadda.

Tan iyo markii uu dagaalku ka dhacay Muqdisho maalintii Axada, shacabka ayaa waxay bilaabeen in ay ka cararayaan guriyahooda, iyaga oo ka cabsi qaba in iska-hor-imaadka uu kusii baaho magaaladda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo fagaaraha kasoo muuqday kadib markii lagu tuurey xukunka Koonfur Galbeed 

Cabdiasiis Laftagareen wuxuu u ballan-qaaday xulafadiisa in xiriirkooda siyaasadeed uusan halkaas ku dhammaan doonin.

  • Soomaliya

    18-04-2026

  • 01:57PM

Dowladda Puntland oo warka soo saartay Xaaladda Soomaaliya

Goluhu wuxuu ansixiyey Siyaasadda daboolida kharashaadka Adeegyada Caafimaadka - oo Golaha ay usoo gudbisay Wasaraadda Caafimaadka.

  • Soomaliya

    16-04-2026

  • 11:58AM