Mudane: Galmudug aqoonsi ugama baahna safiir dhinac u jaranjeera

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Axmed Macalin Fiqi oo ka tirsan Aqalka Hoose ee xeer-dejinta Soomaaliya ayaa ka falceliyey hadalkii Mareykanka ee doorashada Galmudug.

Danjire Donald Yamamato oo "aqoonsaday" guusha lagu muransan yahay ee Axmed Kaariye [Qoor-qoor] ayaa dhinacyadda is-khilaafsan wuxuu ku booriyey wada-hadal.

Fiqi, oo kamid ah xubnaha mucaaradka Villa Soomaaliya, ayaa daboolka ka qaadey "in Yamamato lasii ogaa in uu dhinaca u janjeero".

"Galmudug ma ahan state [maamul] ku dhex-yaalla Mareykanka oo aqoonsi uga baahan safiir horey loo sii ogaa mowqifkiisa dhinaca u janjeera," ayuu kusoo qoray bartiisa gaarka ah ee Facebook-ga.

Hoos ka akhriso qoraalka Fiqi

GALMUDUG haddii doorashooyin kala duwan ay ka dhaceen oo madax kala duwan soo saartey, waxaa muhiim ah wixii hadda ka danbeeya in loo hawlgalo sidii loo xallin lahaa kala taagnaanta iyo khilaafka jira, hal meelna la isugu soo uruuriyo maamuladaas isdiidan.

Afar sano ka hor Galmudug oo cusub oo aan khilaaf badan ka dhexjirin ayaa madaxdii joogtay ay ku fashilantey hogaaminteeda iskaba daa ayadoo kala qeybsan maanta.

Uma arko hambalyada safiirada ajnabiga ah sida Yamamato in ay Galmudug ilowsiin karto xanuunka kala qeybsanaanta, Galmudug ma ahan state ku dhex yaalla Mareykanka oo aqoonsi uga baahan safiir horey loo sii ogaa mowqifkiisa dhinaca u janjeera.

Waxaan dadka reer Galmduug xusuusinayaa inuusan u oolin dabaaldegid iyo hambalyo diris ayadoo ay Galmudug gudaheeda ay ku sugan yihiin 3 maamul oo hey’adahoodii barlamaanka wada wata.

Waxaan ka shaqsi ahaa qeyb ka noqon doonaa dadaalada nabadda iyo wadahadalka ee Galmudug lagu midaynayo si maamul dadkeedu raalli ka wada yihiin loo helo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo Taageertay Wada-hadallada Is-mari-waaga Doorashada

Baqaan wada-hadal ee uu horay u soo saaray Madaxweynaha Soomaaliya ayaa horay u helay taageerada Midowga Yurub.

  • Soomaliya

    03-05-2026

  • 10:44AM

Farmaajo: Muuse Biixi wuxuu aqbalay midnimada Soomaaliya kadib dhexdhexaadintii Abiy Ahmed

Farmaajo wuxuu intaas ku daray in Abiy Ahmed uu u sheegay Muuse Bihi in Somaliland aysan heli doonin aqoonsi caalami ah.

  • Soomaliya

    03-05-2026

  • 09:33AM