Mudane: Galmudug aqoonsi ugama baahna safiir dhinac u jaranjeera

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Axmed Macalin Fiqi oo ka tirsan Aqalka Hoose ee xeer-dejinta Soomaaliya ayaa ka falceliyey hadalkii Mareykanka ee doorashada Galmudug.

Danjire Donald Yamamato oo "aqoonsaday" guusha lagu muransan yahay ee Axmed Kaariye [Qoor-qoor] ayaa dhinacyadda is-khilaafsan wuxuu ku booriyey wada-hadal.

Fiqi, oo kamid ah xubnaha mucaaradka Villa Soomaaliya, ayaa daboolka ka qaadey "in Yamamato lasii ogaa in uu dhinaca u janjeero".

"Galmudug ma ahan state [maamul] ku dhex-yaalla Mareykanka oo aqoonsi uga baahan safiir horey loo sii ogaa mowqifkiisa dhinaca u janjeera," ayuu kusoo qoray bartiisa gaarka ah ee Facebook-ga.

Hoos ka akhriso qoraalka Fiqi

GALMUDUG haddii doorashooyin kala duwan ay ka dhaceen oo madax kala duwan soo saartey, waxaa muhiim ah wixii hadda ka danbeeya in loo hawlgalo sidii loo xallin lahaa kala taagnaanta iyo khilaafka jira, hal meelna la isugu soo uruuriyo maamuladaas isdiidan.

Afar sano ka hor Galmudug oo cusub oo aan khilaaf badan ka dhexjirin ayaa madaxdii joogtay ay ku fashilantey hogaaminteeda iskaba daa ayadoo kala qeybsan maanta.

Uma arko hambalyada safiirada ajnabiga ah sida Yamamato in ay Galmudug ilowsiin karto xanuunka kala qeybsanaanta, Galmudug ma ahan state ku dhex yaalla Mareykanka oo aqoonsi uga baahan safiir horey loo sii ogaa mowqifkiisa dhinaca u janjeera.

Waxaan dadka reer Galmduug xusuusinayaa inuusan u oolin dabaaldegid iyo hambalyo diris ayadoo ay Galmudug gudaheeda ay ku sugan yihiin 3 maamul oo hey’adahoodii barlamaanka wada wata.

Waxaan ka shaqsi ahaa qeyb ka noqon doonaa dadaalada nabadda iyo wadahadalka ee Galmudug lagu midaynayo si maamul dadkeedu raalli ka wada yihiin loo helo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shirkii Golaha Wadatashiga Qaranka ee Muqdisho oo dib loo dhigay kadib fashilkii shirkii hore

Dowladda federaalka ayaa ku dhawaaqday in shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ee dib loo qorsheeyay uu qabsoomi doono 15-ka bisha Luulyo.

  • Soomaliya

    21-06-2025

  • 07:18AM

Soomaaliya: Xamse oo Difaacay Shirka Muqdisho Inkastoo la Qadaacay

Xamse Barre, oo ah madaxa xukuumadda, ayaa ku adkeystay muhiimadda dhameystirka dastuurka kumeelgaarka ah.

  • Soomaliya

    18-06-2025

  • 12:58PM