Galmudug oo beenisay qoraal ay faafisay Villa Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Galmudug ayaa iska fogeysay qoraal la sheegay in ay faafisay Madaxtooyada Soomaaliya laguna taageeray go'aanka Golaha Shacabka labada sano ugu kordhiyey maamulka Farmaajo.

Cumar Shiddo, oo ah wasiiru dhowlaha Madaxtooyadda Galmudug oo qoraal ku faafiyey bartiisa gaarka ah ee Facebook, ayaa caddeeyay in maamulkiisa uusan wali soo bandhigin mowqofkiisa go'aanka Aqalka Hoose.

"Warqaddaan wax ka jiro malahan, waa been abuur, mowqifka Galmudug ee ku aadan muddo kordhinta waa uu cad yahay, waxaana si adag shalay uga hadlay Madaxweynaha Galmudug mudane Ahmed Abdi Kaariye “Qoorqoor”. Dalka xaaladda uu ku jiro waxaa looga bixi karaa Doorasho in loo dareero, laguna kor hadlo hishiiskii 17Sep," ayuu tibaaxay.

Sidda ay wararku sheegayaan, qoraalka muujinaya in maamulada Galmudug, Koonfur Galbeed, HirShabelle iyo gobolka Banaadir ay taageereen muddo kordhin ay diyaarisay Madaxtooyadda Soomaaliya.

Qoraalkaas waxaa faafisay Madaxtooyadda Koonfur Galbeed, warbaahinta ku hadasha afka dowladda iyo taageereyaasha maamulka madaxweynaha waqtiga ka dhamaadey ee Farmaajo.

Qoorqoor ayaa horey wuxuu uga dhawaajiyey in uusan taageeri doonin muddo kordhinta oo la macno ah in meesha laga saarayo heshiiska 17-kii September ee xeerinaya in doorasho dadban uu waddanka ku laabanayo.

Muddo kordhinta Golaha Shacabka u sameeyay maamulka Farmaajo oo ah laba sano ayaa waxaa ka hor-yimid Aqalka Sare, iyaddoo lagu waddo in ay mowqifkooda caddeeyaan dhinacyadda kale ee siyaasada wadanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo go'aan adag ka qaatay taageerada amniga Soomaaliya

Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay ayaa la sheegay inay wadaan dadaallo lagu raadinayo xal waara oo lagu sii wadi karo hawlgalka.

  • Soomaliya

    18-07-2026

  • 09:33AM

C/kariin Ciidle oo lagu celiyay Mareykanka si uu u wajaho dacwad musuqmaasuq $250 milyan ah

Mas'uuliyiintu waxay sheegeen in Cabdikariim uu ka baxsaday Mareykanka kaddib markii dacwadaha lagu soo oogay sanadkii 2022.

  • Soomaliya

    17-07-2026

  • 09:13PM