Galmudug oo ka falcelisay weerar laga soo wariyey Dhuusamareeb

Image

DHUUSAMAREEB, Galmudug – Maamulka Galmudug ayaa wuxuu gaashaanka ku dhuftay wararka sheegaya in dagaalameyaasha Al-Shabaab ay xalay weerar ku ekeeyeen fariisin ku dhow garoonka diyaaradaha Dhuusamareeb.

Axmed Shire Falagle, wasiirka warfaafinta maamulka Qoor-qoor oo u waramay laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da, ayaa waxba kama jiraan ku sifeeyay xogtaas ay faafiyeen warbaahinta ku hadasha afka argagixisada.

Mr Falagle oo ka jawaabay rasaas xalay laga maqlay duleedka magaala madaxda ayaa xusay in ay ahayd qoryo ay tijaabinayeen ciidanka.

"[Al-Shabaab] wararka baraha bulshada la geliyey ayay ka faa'iideysanayaan oo ay ku sheeganayaan ee ma jiraan wax dagaal ah oo halkaas ka dhacay," ayuu ku adkeystay wasiirka oo iska indhatiray xaqiiiqooyinka jira.

Isagoo hadalkiisa sii wata, Falagle ayaa wararkaan ku sifeeyay "kuwa la doonayo in lagu sumcad dilo" maamulka curdunka ah ee Galmudug.

Dadka degaanka ayaa soo wariyey in Al-Shabaab ay xalay saqdii dhexe weerareen saldhig ay meel ku dhow garoonka diyaaradaha ku leeyihiin ciidamadda AMISOM isla markaana ay iska caabiyeen duulaankaas xooganaa.

Shalay oo Jimce ah ayay ahayd markii maleeyshiyaadka gacansaarka la leh Al-Qaacida ay weerareen dadka degaanka Shabeellow; iska-hor-imaadkaas waxaa ku dhintey ku dhowaad 20 qof, 10-na way ku dhaawacmeen.

Dhacdooyinkaan liddiga ku ah nabad-gelyada ayaa kusoo hagaagaya iyaddoo bilooyinkii lasoo dhaafay ay isa soo tarayeen digniinaha la xiriira in Al-Shabaab ay qorsheyneyso in ay unugyo ku beerato magaalooyinka Galmudug.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisad Ka Taagan Bartamaha Soomaaliya kadib Markii Al-Shabab la wareegtay Degmo muhiim ah

Si looga jawaabo weerarkaasi, dagaalyahanada Macawiisleey, oo ah maleeshiyo bulsho oo taageerta dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    17-07-2025

  • 11:16AM

Xasan Shiikh oo ka soo muuqdey Antalya xilli Soomaaliya ay wajahayso qalalaase amni iyo siyaasadeed

Sawirkan oo aad loogu falceliyay baraha bulshada, ayaa yimid xilli dalka…

  • Soomaliya

    17-07-2025

  • 01:47AM