Galmudug oo ka warbixisay shirka madaxda DF iyo maamulada

Image

DHUUSAMAREEB, Galmudug – Shir-madaxeedka dowladda federaalka ah iyo maamuladda waa uu socdaa, mana jiro qodob la isku diidey ama la isku raacay, illaa hadda, sidda uu shaaciyey dowlad goboleedka Galmudug.

Maxamed Nuur Gacal, afhayeenka Golaha Wakiilada maamulkan oo ka warbixiyey wadahadalada socda, ayaa rajeeyay in saacadaha soo aadan ay soo bixi doonan natiijada shirka, wallow uu ka gaabsaday muddeynta.

Mr Gacal ayaa xusay in wadahadaladii goos-gooska ahaa oo ay yeesheen madaxda qaarkood "looga gudbay khilaafyadii siyaasadeed ee oognaa".

"Illaa iyo hadda, ma jiro hal qodob oo la isku diidey ama la isku raacay. Marka qodobadii lasoo bandhigay oo la rabay in lagu xaliyo shirkaan dhamaan wali way furan yihiin, waxayna ku jiraan illaa iyo hadda, wadahadal iyo qaabka ugu fiican ee loosoo saari lahaa, markaa waxay ila tahay saacadaha soo socda in ay soo baxeyso," ayuu u sheegay Raadiyaha maxaliga ah ee Kulmiye.

Amniga, dhaqaalaha, horumarinta dalka, iskaashiga dhinacyadda iyo doorashooyinka ayuu ku sheegay ajendayaasha ugu waaweyn ee lagu gorfeynayo kulanka.

Gudoomiyaha oo ku nuux-nuuxsaday "in wadaxaajoodyadda ay meel fiican marayaan" ayaa kalsooni ka muujiyey in madaxdu heshiiso, isagoo tibaaxay in ay ku dedaalayaan sidii shirka u noqon lahaa mid miradhal ah.

Isagoo sii hadlaya, Gacal oo madaxda ka filaya in ay soo saaraan "wax u wanaagsan dadka iyo dalka Soomaaliyeed" ayaa carabka ku adkeeyay in aysan jirin wax caqabad ah oo haatan shirku wajahayo.

Hadalka kasoo yeeray maamulka madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye ayaa kusoo hagaagaya xilli saacadihii u dambeeyay ay jireen warar sheegaya in madaxda aysan wali heshiis ka gaarin arrinta doorashooyinka 2020-21.

Qadiyadan oo ah tan ugu culus ee shirkan ayaa lagu waramay in dhinacyaddu kala taagan yihiin – qof iyo cod oo Villa Soomaaliya ku adkeyneyso iyo doorasho dadban oo ay calanka u lulayaan maamulada dalka.

Mudda xileedka baarlamaanka federaalka ee haatan shaqeynaya ayaa dhacaya November, 2020, halka xukuumadda uu ka dhamaanayo Febraayo, 2021. Damaca Madaxtooyadda Soomaaliya waxaa lagu sifeeyay muddo kororsi.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Balcad: Madaxweynaha wuxuu shir la yeelan doonaa madaxdii hore ee dalka

Shirkan ayaa loo arkaa mid fure u noqon kara yareynta kala fogaanshaha siyaasadeed iyo dhisidda hannaan loo dhan yahay oo lagu wajahayo marxaladda kala guurka ah.

  • Soomaliya

    25-05-2025

  • 11:19AM

Sheekh Shariif oo Dowladda ku Eedeeyay Caburinta Saxaafadda

Xorriyadda hadalka iyo madaxbannaanida warbaahinta waa tiirar muhiim u ah dowlad kasta oo sharciyad leh.

  • Soomaliya

    24-05-2025

  • 03:01PM