Galmudug oo kala dirtey guddi muran ka dhashay

Image

DHUUSAMAREEB, Galmudug - Wasiir ku xigeenka Arimaha guddaha Galmudug, Axmed Cusmaan Aadan, ayaa wuxuu kala diray guddigii farsamada dhismaha Goleyaasha deegaanada maamulkaas.

Talaabadan ayaa waxay imaaneysaa xilli khilaaf ka dhashay gole u sameynta degmadda Balanbale uu galaaftey wasiirkii arrimaha gudaha dowlad goboleedka, Cabdi Waayeel.

Aaadan ayaa, sida ku xusan wareegtada uu soo saarey taasoo nuqul kamid ah uu arkay warsidaha Garowe Online, wuxuu guddiga ku eedeeyay "in ay ka shaqeynayeen iska hor-keenka bulshada".

Kala dirida guddiga ayaa sidoo kale waxay kusoo hagaageysaa xilli lagu wadday in maanta ay Balanbale ka dhacdo doorashada golaha degaanka taasoo maamulka Galmudug uusan ogoleyn.

Inkasta oo Cabdi Waayeel uu ka hor-yimid xil ka qaadista, haddana siyaasiyiinta Galmudug waxay soo dhaweeyeen talaabadaas ayaga oo ku eedeeyay wasiirkii hore "gacan-bidaxeyn".

Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo ka tirsan Golaha Shacabka baarlamaanka federaalka ah ee waqtiga ka dhamaadey ayaa Cabdi Waayeel wuxuu la xiriiriyey maamulka waqtiga ka dhacay ee Farmaajo.

 

"Cabdi Waayeel wuxuu islahaa fidnadii Farmaajo Gedo ka sameeyay mid la mid ah adiguna Galmudug ka sameey isagoo Farmaajo wakiil uga ah. Lkn Ilaahey mahadiis madaxda Galmudug goor hore ayay fahamtay dhagartiisa!," ayuu yiri.

Wuxuu ku daray: "Waxaan uga mahadcelinayaa Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid go’aanka geesinimada leh ee uu qaatay iyo sida Galmudug uu uga badbaadiyay fidnada ay kula meeraysanayeen Cabdi Waayeel iyo qoloda shirkada kula ah!".

Maamulka Qoorqoor ayaa sheegay in ay ka go'an tahay dhismaha goleyaasha degaanka Galmudug. Talaabadan waa mid shacabka loogu daadejinayo adeegyada ay uga baahan yihiin dowlad goboleedka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mucaaradka Soomaaliya oo diiday jadwalka doorashooyinka 2027, kuna tilmaamay hannaan hal dhinac ah

Sida ku cad jadwalka uu guddigu shaaciyay, doorashooyinka labada aqal ee baarlamaanka federaalka ayaa la qaban doonaa 15-ka Abriil 2027.

  • Soomaliya

    15-10-2026

  • 12:20PM

Villa Somalia oo shaacinaysa jadwalka doorashada federaalka ee 2027, iyadoo aan heshiis siyaasadeed laga gaarin

Sida ay wararku sheegayaan, jadwalka la diyaariyay ayaa dhigaya in doorashada federaalka lagu qabto muddo 180 maalmood ah.

  • Soomaliya

    14-10-2026

  • 02:17PM