Galmudug oo ku dhawaaqdey gogol ay horey u fidisay Puntland

Image

DHUUSAMAREEB, Galmudug – Axmed Cabdi Kaariye [Qoor-qoor], madaxweynaha Galmudug, ayaa soo bandhigay gogol uu maamulkiisa ku wada-hadalsiinayo madaxda dowlada iyo maamulada kale, oo horey u fidisay Puntland.

Hadalkaan ayaa ka sheegay xafladdii ka qabsoontay Dhuusamareeb ee uu xilka kala wareegay Axmed Ducaale Geelle [Xaaf].

Galmudug ayuu sheegay in hadafkeedu yahay ilaalinta midnnimada iyo wadajirka Ummadda Soomaaliyeed, si lamid ah, xoojinta Dowladda Federaalka ah ee fadhigeedu yahay magaalada Muqdisho.

"Reer Galmudug uma diyaarsan kamana fekerayaan in ay Soomaaliya qeyb kamid ah fiicnaan karto, qeyb kamidina xumaan karto, waa la wada fiicnaan karaa, oo waa lawada toosi karaa oo dowlada dhexe hadii ay xoogeysan tahay kuwada kalsoon nahay ayay dowlad goboleedyadduna xoog leeyihiin shaqada laga raban qaban karaan," ayuu carabka ku dhuftay.

Ajendahooda siyaasadeed ayuu tilmaamay in aysan qeyb ka ahayn khilaaf iyo is-qabqabsi ay la galaan madaxda federaalka.

"Waxaan diyaar u nahay in aan gacan ka geysano khilaafyada jira ee ka dhaxeeya dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyadda qaarkood," ayuu tibaaxay, isagoo raaciyey "kalsoonideeda waan leenahay, kartideedana waan leenahay in aan isku keeni oo kala dhex-galno".

Isagoo hadalkiisa sii wata, wuxuu intaas ku daray: "Gogosha hadii uu Ilaahey yiraahdo waxaan dhigeynaa caasimadda Dhuusamareeb. Annaga gacmaheena waa dhaqan yihiin cid khilaaf nagama dhaxeeyo, dowlad goboleedyadda dhamaantooda nagama dhaxeeyo wax dhib ah, kuwa deriska ah oo ood wadaagta nahay wax nagala dhaxeeyaan dulqaadka naga waa la tijaabiyoo waad ogtihiin dhowr jeer in nalka xagtay oo cidna u jawaabin".

Maamulkiisa ayuu ku sifeeyay "midka ugu mudan" ee gogol wadahadal u dhiga dowladda federaalka iyo maamuladda.

Hadalkan ayaa kusoo aadaya xili dowladda Puntland ay horey shir wadahadal ku martigelisay maamulada iyo xukuumadda federaalka si loosoo afjaro khilaafka taagan kahor doorashooyinka sanadka 2020-21.

Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa shaaca ka dhigay in uu socdaal ku mari doono xarumaha maamul goboleedyadda si uu fariintaas ka qeybgalka shirka u gaarsiiyo madaxweyneyaasha maamulada kale ee wadanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Muxuu La Kulmay Ninkii Kaliya ee Ka Badbaaday Shilkii Diyaaradda ee Ay Ku Dhinteen 242 Qof?

Diyaaradda oo ahayd duulimaadkii AI171 kuna sii jeeday Garoonka Gatwick, ayaa waday….

  • Soomaliya

    12-06-2025

  • 09:16PM

Dowladda Soomaaliya oo Ka Laabatay xayiraadda Baasaboorka Taiwan Iyadoo uu Cadaadis Saaray Mareykanka

Taiwan iyo Somaliland labaduba waxay sheegtaan inay yihiin dalal madax bannaan — mid ka go’ay Shiinaha iyo mid ka go’ay Soomaaliya.

  • Soomaliya

    12-06-2025

  • 01:30PM