Galmudug oo laga helay kiiskii ugu horeeyay oo ah Covid-19

Image

GAALKACYO, Galmudug – Wasaaradda Caafimaadka dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqdey in degaanadda Galmudug qofkii ugu horeeyay oo qaadey fayruska dilaaga ah ee Corona.

Fowziya Abiikar Nuur, wasiirka caafimaadka oo warbaahinta kula hadashay Muqdisho, ayaa shaacisay in dheecaanka bukaanka laga soo diray koonfurta Gaalkacyo, xarunta gobolka Mudug.

Intii uu socday shirka jaraa'id ma aysan kala caddeynin; haddii bukaanka uu ku sugan yahay magaaladda Muqdisho ama Gaalkacyo.

Balse, bukaanka cusub ayaa wuxuu kamid yahay 41 ruux oo 24-kii saac ee lasoo dhaafay ay xukuumadda dhexe ka heshay xanuunka.

Galmudug ayaa horey u xaqiijisay in ay gacanta ku hayso tobanaan shaqsi oo lagu tuhmay caabuqa isla markaana ay baartay.

Magaala madaxda Dhuusamareeb ayaa kamid ah meelaha ay ku sugan yihiin shaqsiyaadka loo karantiilay shakiga la xiriirka Covid-10.

Sikastaba ha ahaatee, Somaliland, HirShabelle iyo Puntland ayaa horey u shaaciyey kiisas la xiriira Coronavirus, waxaana muuqata in Koonfur Galbeed uu yahay maamulka kaliya ee ka caagan xanuunkaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Calmiskaad ku dilay in ka badan 700 dagaalyahan Ajaanib ah 

Weerarka, oo billowday dabayaaqadii sanadkii hore, ayaa lagu sheegay inuu hoos u dhigay joogitaanka ISIS ee aaggaas ilaa 70%.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 06:50AM

Danjire hore oo Mareykan ah oo ka digay in si degdeg ah loo aqoonsado Somaliland

Danjiruhu wuxuu tilmaamay in Mareykanka uu haysto saddex ikhtiyaar: in uu sii hayo…

  • Soomaliya

    20-08-2025

  • 12:44PM